“Madaxweyne Muuse Biixiba Maanta Waa Madaxweyne  Qaran;  Kulmiyena Aniga Ayaa Uga Soo Horeeyay”

0
803

 

 

 

Swedan(Geeska)-Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa si faah faahsan uga hadlay markii ugu horaysay sida uu u doonayo inuu ugu ordo  hogaanka xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, kadib waraysigii uu arintan ku shaaciyay waxa uu si balaadhan uga waramay sida uu wax u wado iyo awooda uu xisbiga Kulmiye ku leeyahay, isaga oo codsaday in xisbigu uu ilaaliyo nidaamka dimuqraadiyada ee dalka ka jira.

Waxa uu Maxamuud Xaashi ku faanay inuu xisbiga uga soo horeeyay madaxweyne Biixi, waxaanu sheegay inuu soo dhawaynaayo dadka aragtidiisa ka soo horjeeda, isaga oo khudbadiisan xooga ku saaray in wakhtiga musharaxnimada  iyo goobteeda uu u daynaayo arimaha tartankiisa.

Siyaasiga Maxamuud Xaashi oo jaaliyada Somaliland ee Sweden la hadlaayay wax uu kudbadiisa xoog ku saaray musharaxnimadiisa, waxaanu yidhi “ Ujeedadu may ahayn  in aan halkan ollole ka sameeyo waayo halkan hanka iyo himilada aan leeyahay lagama doorto, siyaasada waxaan ahay waayo arag wakhti dheer ku soo jiray, hadal walibana hoos ayuu leeyahay  meesha wax waliba yaalaan nin garan kara  ayaan ahay, siyaasadu habeeno ayay leedahay  habeenada siyaasada nin yaqaan ayaan ahay, markaas waxaan u imi inaan wax ku biiriyo jaaliyadaha Somaliland ee qurbaha jooga aniguna aan wax ka korodhsado, hankayga iyo himiladaydu waa gaar, himilo ayaan leeyahay fog  waxaan is leeyahay umadaada waxbaad u soo qabatay waxaan aaminsanahay waxbaad u qaban doontaa  faro badan, aminteeda iyo madasheeda ayaan la sugaynaa.”

Siyaasigan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu sheegay inuu madaxweyne Biixi xisbiga Kulmiye uga soo horeeyay “ Hankaygu maaha mid xisbiga Kulmiye qaybinaaya,  mid Kulmiye kala irdhaynaayana maaha, waxaan ka mid ahay aas-aasayashii xisbi Kulmiye, waxaan ka mid ahay xubnihii faro ku tiriska ahaa ee Axmed Siilaanyo la yagleelay xisbiga, waxaan ahay masuulkii xisbiga Kulmiye ugu sareeyay  ee qaarada Yurub ka sameeyay ee safar ku soo baxay 2002-dii, Sweden waxan imi Malmo, DENMARK waxaan imi Copenhagen, NORWAY iyo Uk ayaan tagay dhamaan xisbiga Kulmiye masuulkii ka sameeyay ee ka daah furay dibada ayaan ahay, taas macanheedu maaha inaan ku duudsiyaayo  hal doorka xisbiga Kulmiye  ee iga danbeeyay ee kale, xaq ayay u leeyihiin inay damac yeeshaan, madaxweyne Muuse Biixiba maanta waa madaxweynaha  qaranka  Kulmiyena aniga ayaa uga soo horeeyay, markaas kuwo kalena sidaas oo kale ayay xaq u leeyihiin.”

Ugu danbayntii Maxamuud Xaashi waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday “ Kulmiye waa uu yaqaana loolanka  waa xisbi qoodh badan xisbi cid kaliyaata sacabka u tuma maaha, kamana suuroobi karto nidaamka dimquraadiyada iyo xisbiyadana maaha  aminteeda ayaynu la sugaynaa, xisbiyada qarankana waa inay dimuqraadiyad ka jirtaa  waa in lagu loolami karaa, waa in hogaamiyayaal ay ka soo baxaan Kulmiyena waa uu ka xag jiraaba, Kulmiyena waa uu yaqaanaa nabaradiisa iyo haarihiisa iyo boogahiisa iyo khilaafkiisa sida uu u dhayo, sida uu u daweeyo, waayo aragnimo ayaan u leenahay oo ragii khilaafyadaas soo xaliyay ayaanu nahay, aniguna maanta belo ma wado, laakiin hanbaan leeyahay. Intaas waxaan uga dacal dhabay intii aan waraysiga bixiyay kadib waa uu igu soo noq-noqday  waxaan is idhi munaasibadan ayay ku haboontay, Kulmiye wax itaageersan ayuu leeyahay  waxa kale oo uu leeyahay cid aan I taageersanayan, waan ixtiraamayaa cida iga aragtida duwan kullana coloobi maayo, waxaan ahay siyaasi bisil, waan u mahadnaqayaa kuwa I taageersan iyo kuwa aan itaageersanayanba, siyaasi dulqaad leh oo dad wad leh ayaan ahay, faana igama aha, waxaan leeyahay dhalinyarada Kulmiye ee warbaahinta hadalada is khilaafsan isku marinaaya munaasib maaha, doqontu haddii la xifaaltamaayo in la coloobayo ayay moodaa,waxaan leeyahay waa la doogiye yaan la dacaroon.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here