Guddoomiye-xigeen Baashe Oo Shalay Si Lama Filaan Ah U Soo Fadhiistay Kursigiisii Ay Siyaasadu Ka Kaxaysay

0
1016

Picture6Hargeysa (Geeska) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada, Md. Baashe Maxamed Faarax, oo isaga iyo ku xigeenka labaad, Md. Cali Yuusuf Axmed, ay toddobaadkii hore Dacwad ka dhan Guddoomiyaha Golahaasi, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) u gudbiyeen Maxkamadda sare, ayaa shalay mar kaliya ka soo ag muuqday Guddoomiye Cirro oo ay dhex taalay xurguf siyaasadeed oo ka dhalatay isku shaandheyntii uu Guddoomiye Cirro ku sameeyay guddiyada Golaha Wakiilada, waxaanu wax ka guddoominayey fadhigii shalay ee Golahaasi, ka dib markii Guddoomiye Cirro oo fadhiga furay uu ku wareejiyey.

Fadhiga Golaha Wakiilada ee shalay oo Mudanayaashu kaga doodayeen qorshaha shaqo ee Golaha Wakiiladu ku shaqeyn doono saddexda sanadood ee soo socda, ayaa guddoominta Baashe Maxamed Faarax ay layaab ku ahayd xildhibaanada laftooda, maadaama oo la ogaa khilaafka u dhexeeyay labada masuul, kaasi oo gaadhay in Baashe iyo ku xigeenkiisu Maxkamadda sare ka dacweeyaan Guddoomiye Cirro, inkasta ilo-wareedyo xog-ogaal ahi Geeska Afrika u sheegeen in la xaliyey khilaafkii adkaa ee dhex yaalay Cirro iyo labadiisa ku xigeen, isla-markaana lagu guuleystay wadahadallo dhowrkii maalmood ee u dambeeyay u socday labada dhinac.

Warka ayaa intaa ku daraya in Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, lagu qanciyey inuu ka tanaasulo dacwaddii ay Maxkamadda u gudbiyeen isaga iyo ku xigeenka labaad, taasna uu ku qancay, inkasta oo aan la ogeyn inuu Maxkamadda sare ku war-galiyey inay ka laabteen dacwaddii ay u gudbiyeen, si Maxkamaddu ula laabato go’aankii ay ku hakisay isku shaandheynta guddiyada Golaha Wakiilada.

Ururka qareenada Somalilaand ayaa hore u sheegay inuu khilaafka shirguddoonku ahaa ahaa mid siyaasadeed oo aan u oolin waaxda Garsoorku in ay ka gar-naqdo, wallow Maxkamadda Sare iyo ta Dastuuriga ahiba aanay illaa hada wax go’aan ah ka soo saarin arrintan.

Maanta ayaa la filayaa inay guddoomiye Cirro iyo ku xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax ay maanta shirjaraa’id u qabtaan saxaafadda iyagoo ku soo bandhigi doona shirkaas jaraa’id inay xaliyeen khilaafkii u dhexeeyay.