Nuxurka Khudbadihii Ay Doorashada Ka Dib Jeediyeen Muuse, Saylici Iyo Xaglatoosiye

0
567

Picture3Hargeysa (Geeska)-Wuxuu Geeska Afrika halkan akhristayaashiisa ugu soo gudbinayaa khudbadihii ay jeediyeen murashaxa ku guulaystay inuu noqdo murashaxa madaxweyne ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici iyo Dr. Saleban Ciise Xaglotoosiye oo isaga uu ka guulaystay Mr. Saylici.

Dr. Xaglotoosiye ayaa isagu hadalkiisa ku bilaabay"Waxaan u hambaliyeynayaa Musharixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga Kulmiye, waan tartamayey waana la iga guulaystay, laakkin guul daradu mar bay guul tahay, aniga oo u hambaliyeynaya Madaxweynaha oo ah aasaasihii Xisbiga Kulmiye waxa aan ka codsanayaa inuu dhiirigeliyo in dib loogu noqdo hab nidaam doorasheedka Xisbiga, oo u baahan in aad loo horumariyo khaladaad badanina ay iska jiraan, dhaliilo badana ay ka jiraan,in nidaamka wax laga badalo anigu han siyaasadeed ayaan leeyahay, waxa aan u taaganahay iga go;an midnimada Somaliland,. meel kasta oo aan u mari karo iyo si kasta oo aan ugu guulaysan karo waan sii wadaya insha allaah, nin dhalinyaro ah ayaan ahay mustaqbalkuna waa uu badan yahay, hankayga Siyaasadeed iyo rajada aan ka qabo Jamhuuriyada Somalilandna halkan kuma eeka maanta, waan sii wadayaa  dagaal aad u adagna  waan u sii galayaa".

Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye ayaa mar uu ka hadlaayey labada musharax ee la doortay yidhi "Labada Musharax ee la doortay waxa aan leeyahay tartanku ma dhamaan ee waa bilaw, maanta ayuu bilaamay ee nasiib wanaagsan ayaan idin leeyahay labadiinaba, cidii i dooratay aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa, waa in u danaynaysay midnimada Wadankan, intii iga codaysana waxa aan ILLAAHAY uga baryayaa inuu fahansiiyo midnimada Wadanka looga baahan yahay, waxa aan aad ugu mahadnaqayaa dhammaan taageerayaashayda waxa aan u mahadnaqayaa cidii iga codaysay, guul baana dhammaantiin idiin rajaynayaa, waxaana aad ugu mahadnaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Madaxweyanayaasha Adduunka inta hal mar intay qaateen ka tagay Mandela ayaa jira, Madaxweynuhu waa qofkii labaad, waxaana u sheegaya Madaxda soo socota ee Somaliland inay ku daydaan Madaxweynaha, wixii intaas dhaafsiisan dib ayaan ugu noqonayaa talo dib ayaana ka soo sheegi doonaa wixii intaas ka badan".

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo isna dareenkiisa ka hadlay ayaa yidhi "ILLAAHAY baa mahad leh, waxa kale oo mahad leh dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee nagu sharafay in aanu noqono musharixiinta mustaqbalka ee Sannadka 2017 doorashooyinka soo socda, aad iyo aad ayaanu idinku mahadnaqaynaa sida sharafta leh ee aad noo sharafteen, waxa kale oo aan u mahadnaqayaa dhammaan  marti sharafta ka soo qayb gashay ee maanta oo dhan u taagnayd inay la socdaan sida ay wax u dhacayaan, iyo saxaafadda xorta ah ee halkan joogta aad iyo aad ayaan dhammaantiin idinku mahadnaqayaa.

Doorashadii hore ee Kulmiye ee lagu doortay Guddoomiyaha ama aasaasaha maantana ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), oo umadda reer Somaliland dooratay sida aad la socotaan lagu hungoobin, ee waa lagu badhaadhay, umadduna way mahadisay, Xisbiga Kulmiye waxa uu fuliyey balamihii uu qaaday, markii ololaha doorasho uu ku jiray, waxaana qabaa inuu fuliyey balamihii uu qaaday boqolkiiba sagaashan,haddaba iyada oo aanu leenahay  muddo dheer oo waayaragnimo ah waxa aanu is leenahay maantana halkaas ka sii wada, dhismaha dalka iyo qaranimada Somaliland.  Waxa mar labaad iyo mar saddexaad u mahadnaqaynaa Madaxweynaheena Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo aasaasaha Kulmiye ah oo hogamiyaha maanta qaranka ah, nusdambeedka Kulmiyena ah,oo noo jeexay waddo cad oo aanu ku hirgelino dimuqraadiyada dhabta ahina waxa aan qabaa inay tahay ta ay soo yeeleen isaga oo Mucaarad ah, iyo isaga oo Muxaafid ah maanta, oo Madaxweynuhu u tanaasulay inay shaqada sii wadaan jiilkii dambe, aad iyo aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa Madaxweynaha".

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isna ku guulaystay musharaxnimada Madaxweyne ee Xisbiga ayaa yidhi "Maanta madashan fagaare walba ninba waxbaa ka raacee fagaarahan waxa ay guuli ka raacday Wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Xaglotoosiye nin dhaqanimo iyo hogaamin iyo han siyaasadeed, mar labaadka waxa aan u mahadnaqayaa dhammaan xubnihii Golaha Dhexee masuuliyada guud na saaray, waana dareemaynaa masuuliyada aad na saarteen culayska ay leedahay, waana idinka mahadnaqaynaa haddii aad na maamuusteen oo talo na moodeen,duco , karti iyo wada shaqayn nala taba socda, waa hawl culuse, waxa aanu balanqaadaynaa in aanu sii wadno waddada uu jeexay aasaasaha Xisbiga Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, in aanu sii wadno horumarka Xukuumadda Somaliland dhigtay shantii sanno ee socday, in aanu sii xoojino nabadgaliyada Gobolka iyo Caalamkaba ah la shaqaynta iyo xidhiidhka iskaashiga wanaajinta dalalka aynu jaarka nahay dhammaantood, waxa aanu sii wadi doonaa barnaamijka Xisbiga ee ay Xukuumaddu sii waday oo ah ictaarif raadinta ee ah in geed walba loo galo".

Muuse Biixi mar uu ka hadlaayey Mushirixiintii Madaxweyne ee Maxamed Biixi iyo Cabdicasiis Samaale ayaa  yidhi "Waxaan aan u mahadnaqayaa saaxibadayda aan is leeyahay, si  gacaltinimo leh ama xigaalnimo ah ayey kaga hadheen tartankii Musharaxnimada Madaxweyne Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Samaale waxa aan ugu mahadnaqayaa oo aan u arkaa inay tudhaale ahaan iigu daayeen in aan musharaxnimada halkan ku imaado, aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa,waxa aan ku darayaa intaas Saaxibadayda iyo kuwa kale ee maqanba walaalayaal Shir walba xanuunkiisa ayuu leeyahay dad kale maqnaan kale ma nihin, dad khilaafkoodu dheeraan karo ma nihin, haddii aad idinku maanta i tudheen Golihii dhexena xilkii i saaray waxa aan diyaar u ahay nin walba in aan gurigiisa ugu tago, nin walba aan ula tago arintaas nabadgaliyo gacan nabadeed, soo dhaweeyn iyo walaaltinimo, dhammaan xubnaha naga maqan waxa aan ka rajaynayaa inay iyaguna taas nala qaataan, oo arinteena ku dhameeynayo walaaltinimo, oo aanu xisbigeena aynu mideeyno, kala maqnaashaheena midna uma wanaagsana,aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin, laakiin isweydiintu waxa ay tahay yaa kabihiisi gashanaya"