“Mucaaradku Wax Wuu Mucaaradayaa Oo Waa Xayraanimada”

0
508

wasiirHargeysa (Geeska)-Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa ka hadlay wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya ee burburay, waxaanu tilmaamay in dhawrkii jeer ee ay wada hadleen in Somaliland ay guulaysatay.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, oo wareysi gaar ah siiyey Wargyeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Xisbiyada Mucaaradka iyo Madasha ee ahaa inay  go’aan ka gaadhi doonaan Xukuumadda marka la gaadho wakhtiga uu ku dhan yahay xilka Xukuumaddani, waxaanu sheegay in hawshaasi hawl iyaga u taala ahayn ee cida shaqadooda ay tahay waxa ay dejiso laga yeelayo.

Wasiir Cadami ayaa hadalkiisa ku bilaabay    “Guusha  Ninba si ayuu u yaqaanaa, waxa aan anigu u arkaa in intii goor ee aynu isku nimid Somaliya in aynu inagu guulaysanay, markii Ingiriiska aynu iskugu tagnay, waxa aynu ku guulaysanay laba Wefti oo taasna la yidhaahdo Somaliland, taasna Somaliya, baa qalinka lagu duugay oo warqada lagu qorey, markii dambena Abu Dubai ayaa la iskugu yimid, oo markii u dambysay Shariif ah, oo qodobadii hore loo gaadhay ayaa la ansixyey oo la yidhi qodobadaasi waa biyo kama dhibcaan, oo dib loogu noqon maayo, waa sida loo wada qaatay bay u saxsan yihiin, wakhtigii dambe,ee aynu Hawada isku qabanayna waxa lagu heshiiyey in Hawada la wada lahaado, oo Labada Wasiir ee ku shaqada leh ayaa gooni la iskugu saaray waa la dhex galay, oo sidaas ayaa laga gartay”

Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa isaga oo ka hadlay Shirkii ugu dambeeyey ee Somaliland iyo Somaliya ee burburay ayaa yidhi “Shirkan u dambayey  la iskama tagin ee waa la kala war hayey, oo waa loo sii sheegay in haddii ay sidaas yeelaan in lagu kala kacayo, dabadeedna sidii kamay noqon ee wey ku adkaysteen, oo wey ku yimaadeen,Nimanka yimidna waa Niman dalka u dhashay, Ninku meesha uu doono ha raaco, balse xaggeena waa la og yahay in qofka sameeya dhabar jabintaas inuu yahay khaayinul Wadan, waa lagu talagalay,oo markii qoraaladii la horgeeyey qolada Turkiga ee hawsha hor jooga ah ka ahayd, waxa lagu qancay in iyada oo aan la tagin Turkiga oo Somaliland iyo Somaliya la joogo, in wixii lagu wada hadlay iyo Koobigii Qoraalada la tusay, oo waa loo diray, oo xittaa iyaga waa loo qoray, oo waxa la yidhi sidaas ayey sheegayaan ee haddii ayey kaga dhabeeyaan, anagu la hadli mayno, oo anagu iyaga isma hayno ee Somaliya ayaanu is haynaa, arintuna marxaladaas ayey soo martay, haddana kala kacaas ayey joogta”

Wasiir Cadami oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Turkiga iyo Wadamo Yurub ka mid ah,ayey la gudboon tahay wixii talaabo ee isku soo noqoshada ah, sidii loo heli lahaa, markaas in wixii lagu heshiiyey iyo ajandaha meesha lagu kalsoonada, oo sidoodii loo fuliyo”.    

Wasiir Cadami mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko hadalkii Xisbiyada Mucaaradka iyo Madasha ee ku saabsanaa go’aan ka gaadhista Xukuumaddan marka uu dhamaado muddo xileedkeeda ayaa yidhi “Anigu dalka Somaliland waan u joogay,marka ay wakhtiyadu dhacaan wixii la yeeli jiray, marna Komishanka ayaan joogay, cida hawsha iska lihina Mucaarad iyo Madasha midna maaha, Hay’adda Sharciga ee Sharciga u dajisay wali may wada dhiman ee wey joogaan, waxaana lagu kala baxaya wixii ay markaas iyagu jideeyaan”.

Wasiirka Gaashandhiga oo aanu wax ka weydiinay sida uu u arko dhaliilaha ka soo yeedhay Mucaaradka ee ku saabsan isku shandhaynta, xil ka qaadista iyo isku bedelka uu Madaxweynuhu ku sameeyey Xukuumaddiisa ayaa yidhi  “Mucaaradku wax uu mucaaradiyaa waa xayraanimada, oo anaguba waanu soo marnay, Umadda Somaliland waxa aan ugu baaqayaa inta ay ka baxaan Ciyaarta, inay meel ka soo wada jeestaan, oo cadawga shisheeye iska celiyaan, oo isku hoos noqoshada iska dhaafan”.