Madaxweyne Siilaanyo Oo Si Rasmi Ah U Aasaasy Xafiiska Diiwaanka Sekedda

0
445

siciidHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa aasaasay xafiiska diiwaangelinta sekadda, isagoo guddoomiyaha u magacaabay Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire iyo laba sheikh oo kale.

Warsaxaafadeed uu shalay soo saaray xoghayaha saxaafadda madaxtooyada Naasir Yuusuf Daahir, ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu aasaasay xafiiska  Diiwaanka Sekada oo yeelanaya qofnimo qaanuuneed, shaambad u gaar ah iyo astaan, isla markaana hoos tegaya Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, waxaana ujeedooyinka loo aasaasay lagu sheegay

1.Dhaqan-gelinta waajibka Sekada.

2.Faafinta iyo ku wacyi-gelinta dadka ahmiyadda sekada.

3.Guddoomidda, uruurinta, qaybinta iyo maamulka sekada si loo xaqiijiyo is-kafaalo qaadashada iyo isu-naxariisashada dadka dhexdooda

Qaab dhismeedka xafiiska ayaa digreetada madaxweynaha waxa lagu sheegay inay tahay afar waaxood oo kala ah

1. Guddida La-talinta

2. Guddoomiye.

3. Guddoomiye Ku-xigeen.

4. Agaasimaha Guud.

Waxaanay guddidu ka koob-naan doontaa:

1.  Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

2.  Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

3.Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.

4.Laba xubnood oo Madaxweynuhu soo magacaabayo, oo noqon doona Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen. 

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu xafiiskan u magacaabay saddex masuu oo ka mid ah culimada wadanka, waxaanay digreetadu tidhi  

1. In Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Xafiiska Diiwaanka Sekada Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Sheekh Cawil Faatax Shire, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Xafiiska Diiwaanka Sekada Jamhuuriyadda Somaliland.

3. In Sheekh Ibraahin Axmed Siciid, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Xafiiska Diiwaanka Sekada Jamhuuriyadda Somaliland.