Hargeysa (Geeska)-Isbahaysiga Mucaaridka Somaliland ayaa wada jir u soo saaray warmurtiyeed ay ku xuseen qodobbo ka ay kaga hadlayaan mawqifkooda dib u dhaca Doorashooyinka Somaliland.
Isbahaysiga Mucaaridka somaliland oo ka kooban siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Wada-tashiga iyo toosinta qaranka iyo xisbiyada mucaaradka ah ee somaliland ayaa waxay si adag uga digeen muddo kordhin sida ay sheegeen aan sharciga waafaqsanayn oo ay sameeyaan Golaha Guurtida Somaliland.
Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa warbaahinta u akhriyey qodobada ay isbahaysiga Mucaaradku ka soo saareen dib u dhaca doorashooyinka waxaanay qodobaasi kal ahaayeen sidan:
1. Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland waxay ku baaqayaan in mudane Siillaanyo hogaanka u qabto shir wada tashi oo lagaga arinsanayo hogaan dalka gaadhsiin kara doorashooyin mudo xileedka u dhaxeeya 26-ka june iyo maalinta doorashada
2.isbahaysiga mucaaridku waxay Gobolada iyo degmooyinka dalka ugu baaqayaan inay u midoobaan qabsoomida shirka qaran, kana hor tagaan caqabad kasta oo ka hor iman karta wada tashiga.
3. isbahaysiga mucaaridku waxay cadaynayaan haddii laga waayo mudane Siilaanyo wada tashi lagu dhiso xukuumad ina gaadhsiisa doorasho maadaama oo aan lagu kalsoonaan Karin intii fashilisay inay doorasho inoo qabsoonto, waxay isbahaysigu ku baaqayaan qabsoomida shirka kala tashiga oo dhici doona bisha April 2015-ka
4.isbahaysiga mucaaridku waxay uga digayaan golaha guurtida inay sameeyaan mudo kordhin xaaraan ah oo aanay aqbali doonin taas oo keeni karta in dhibaato iyo fawdo dalka la galiyo. 5.isbahaysiga mucaaridku waxay ka dalbanayaan guddida doorashooyinka inay sida ugu dhakhsaha badan u soo gudbiyeen jadwal dhamaystiran oo ay ku cadahay doorashadu.
6.isbahaysiga mucaaridku waxay uga digayaan xukuumada inay awooda qaranka u isticmaasho abaabul aan loo baahnayn oo aan waxba ina tari Karin sida ka qorshaysan maalinta khamiista ee la rabo in jawaab lagaga bixiyo baaqii isbahaysiga mucaaridka ee todobaadkii ina dhaafay, haddii taas laga waantoobi waayo waxa khasab noqonaysa inay isbahaysiga mucaaridkuna shacabka ugu baaqo inay u soo baxaan shaaracyada dalka.” Ayuu yidhi Musharax Cabdirashiid Xasan Mataan oo warbaahinta u akhriyey baaqa ay soo wada saareen isbahaysiga mucaaridku.