“Xirsi Saaxiibkay Weeye Dhawr Cisho Ayaanu Jabhad Wada Ahayn…” Muj. Xasan Guure

0
669

???????????????????????????????Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka Muj. Xasan Guure Jaamac, ayaa si adag uga hadlay go’aankii maalin ka hor uun ka soo baxay komishanka doorashooyinka qaranka ee tilmaamayey qorshe hawleed dib u dhigi kara in wakhtigoodii ay ku qabsoomaan doorashooyinka la filaayey in ay dhacaan badhtamaha sanadkan, waxaana uu sheegay in maalinta lagaadho 26ka Juun aanay jirin wax dawlad ah oo ay sharci ahaan u aqoonsan yihiin in ay ka taliso dalka, isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in maalintaas waxii ka danbeeya ay lumayso daacadii distoorku ugu waajibiyey in uu u hogaansamo maamulka jira haddii aan wada-tashi qaran la isagu iman.

Muj. Xasan Guure Jaamac, ayaa hadalkan ka sheegay mar ay shalay isbahaysiga mucaaradka iyo madasha wada-tashigu warbaahinta kula hadlaayeen magaalada Hargeysa, waxaana uu tibaaxay in maalinta ay gaadho 26da Juun aanay jirin sharci ahaan nin nin kale ka xiga kurisiga uu ku fadhiyo madaxweyne Siilaanyo.

"Waxaan u fadhinaa jawaab kooban oo aan doonayno in aanu ka bixino go'aankii ka soo baxay gudida doorashooyinka qaranka, arrinkaasi waxaa uu gabo-gabeeyey muran baryahanba mucaaradka iyo xukuumada u dhaxeeyey oo ay lahaayeen doorashooyinku wakhtigoodii ku qabsoomi maayaane isku keen keena, xukuumaduna ay lahayd maalin dhaafi mayso, madaxweynahu tiraba saddex goor sida warbaahinta ku jirta ayuu mar walba fagaare kaga balan qaaday in aanay maalin dhaafayn isaga oo og inta ay dhaafayso, been loo badheedhay ayaa ay ahayd oo madaxweynaha xaasha ku odhan maayo waa beenaale laakiin waxa weeyaan arrin baaqday oo badheedh u baaqday magaca loo bixin doonana dee umadda ayaa u bixin doonta ee, waxaa halkaa ka cad in uu dhamaaday wakhtigii doorashooyinka aynu ugu talo galnay ee distoorku inoo qabtay oo dawlada Axmed Maxamed Maxamuud uu madaxda ka yahay iyo golaha wakiiladu uu xilkoodu ahaa in ay qabtaan 26-Juun oo ay doorashadaasi qabsoonto oo waliba maalinta la ogyahay madaxweynaha la doortay ee dalka ka talinaya Shanta Sanno ee soo socota, waxaa cad Axmed Maxamed Maxamuud markii uu mucaaradka ahaa sidii uu u dhaliili jiray Riyaale ee uu aad uga qalin jiray in uu u badheedhay, sharci darrada inna Cigaal ayaa ina baray, malaha tii ina riyaalena waa uu ku darsaday, markaa waxaa ay ahayd in markii la dooranayey ee madaxweynahu ka balan qaaday in uu isagu ka baydhaayo wadadaa waan kordhistay, waan kordhistay isaguna aad iyo aad ayaa uu uga balan qaaday, waxaa muuqatay in uu wadadii maray.”.Ayuu yidhi Xasan Guure.

Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:“Dalkanina sidan kuma socon karo, waxaan ogeyn in labada gole ee xeer dejintu in uu ka dhamaaday wakhtigu oo qolana 20-sanno ayey sharci darro ku fadhidaa, qolana sanadkii Tobnaad ayaa imika u dhamaanaya, madaxweynaha iyo xukuumadiisana waxaa ay ka dhamaanaysaa 26-da Juun, waxaa aynu joognaa markaa dal aan lahayn sharci lagu xukuma waxii ka danbeeya 26da Juun, waxaanu leenahay madaxweyne inta aanay halkaa gaadhin, inta aynaan iskugu soo bixin cid aan cid ay xukuntaa jirin oo sharci isku xukuntaa oo in aynu is qabsano anigu kumaan darin oo aynu leenahay waa aynu is haysanaa laakiin sharcigii aynu isku xukumaynay waa uu dhamaaday, Maalintaa 26ka Juun haddii ay gaadho nin nin ka xigaa ma jiro kursiga oo sharci kaga xigaa, ninka xoog kaga xigayaa isaga ayaa ay u taalaaye.”.

Guddoomiyaha madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka Muj:Xasan Guure Jaamac, waxaa uu sida oo kale ka digay qorshe-yaal uu sheegay in ay xukuumadu ku abaabulayso dad taageera ugu muujiya dib u dhaca ku yimi doorashooyinka oo uu sheegay in lagu isticmaalayo lacagtii umadda.

“Waxaa kale oo muuqata wararka muddooyinkan ka soo baxayaa dawlada iyo xisbiyada in la wado in maalinta khamiista la qabto shir baahsan oo balaadhan kaas oo xaafadaha iyo degmooyinka inta la soo ururinayo oo taageeraya xukuumada muddo dhaafkeeda, waxaan leenahay waliba waxaa la isticmaalayaa awoodii umadda ee dadka ka dhaxaysay ee miisaaniyadii, warfaafintii iyo ciidamadiiba oo ay intaas oo dhamiba yihiin awood aanay cid qudhi gaar u lahayn, dawlada intaa wada qaadatay doorasho  kolna la gali maayo, doorasho ku halayn maayo. Waxaan leeyahay ha la isku yimaado mudada inta aanay gaadhin, ha la isku yimaado oo ha la wada hadlo sidii talo qaran meel loo dhigi lahaa oo aynu ku kala danbayno iskuna xukuno, waxa weeyaan aniga distoorku waxbaa uu ifaray oo in illaa 26da Juun uu madaxweyne ii ahaado Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), xeerka ka soo baxa golaha wakiiladana aan qaato, waxa uu iga'ga xigaana ay xeerka tahay, haday maalinta dhaafto daacadii distoorku igu waajibanaayey in aan dawlada u hogaansamaa waa uu iga dhamaaday, waxaan leeyahay waar dawlad aan u wada hogaan sano aan dhisano.".Ayuu yidhi Xasan Guure Jaamac.

Mujaahid Xasan Guure Jaamac, waxaa uu ugu danbayntii ka hadlay hadalo hanjabaad uu u arkay oo dhawaan ka soo yeedhay wasiirka madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali X. Xasan, waxaana uu ku baaqay in aan la gaadhin wakhti la isku dhaarto isaga oo sifo koobana ka bixiyey aqoonta ay isku leeyihiin Madaxweyne Siilaanyo iyo wasiir Xirsi.

“Saaxiibbaday waanu is naqaanna, faani maayo, ee waanu is naqaannaa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), jabhad ayaanu intaba soo wada marnay. Xirsi saaxiibkay weeye dhawr cisho ayaanu jabhada wada ahayn, ku dheeraan maayo mid koodna intaa u dhaafi maayo ee yeynaan gadhin in aynu isu dhaarano, waliba nin xil haya oo mas’uuliyadii isagu haya oo dhaarta dhaqanka Aadamaha waa ka xaaraan, ninka ay tahay in uu baqdo oo uu u baqdo umadda oo uu u tudhaa waa ninka talada haya ee anigana tayda isaga ayaa haya oo aniga iyo isagaba ha u tudho madaxweynahu, waxaana uu iigu tudhayaa waxa ay noqonaysaa xeerka, xeerka ayaa uu iigu tudhayaa oo ay tahay in uu iigu hogaamiyo dhabadeeda ha mariyo, hadduu ku qaldamana waa la marinayaa.”. Ayuu yidhi Xasan Guure Jaamac.