Madaxweyne Siilaanyo Oo Wasiir Boobe U Sadqeeyay Laba Agaasime-waaxeed Oo Uu Xilka Ka Qaaday Iyo Dareenada Ku Xeeran

0
590

 

amupHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland  Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii warfaafinta Md. Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), oo uu xilkan u magacaabay dhawr bilood ka hor.

 

Madaxweynuhu digreetadiisa oo uu baahiyay afhayeenkiisa Cabdillaahi Maxamed Daahir, kuma sheegin wax sabab ah oo keentay in xilka laga qaado wasiirka, waxase uu ku koobay inay xil ka qaadistu tahay dabciga xilalka qaranka. Waxaana warkaas ay madaxtooyadu ku tidhi  “Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayay dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.  Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta JSL.

Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilkii aad haysay, si ku meel gaadh ah  Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JSL, Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami, inta aan cid u soo magacaabayo.”

Maxaa Sababay?

Warar xogogaal ah oo uu Wargeyska Geeska Afrikahelay ayaa xaqiijiyay in wasiirka loo sadqeeyay laba agaasime waaxeed oo uu xilka ka qaaday, kuwaas oo kala ah agaasimaha telefishanka qaranka Axmed Saleban Dhuxul iyo Agaasimiha wargeyska dawladda ee Dawan Maxamed Cismaan Mire (Sayid) oo uu Isniintii toddobaadkan xilka ka qaaday. Waxaana la sheegay inay madaxtooyadu ka cadhooday go’aanka wasiirku xilka kaga qaaday labadaas agaasime waaxeed oo ay u aragto inay wakhtigii uu KULMIYE mucaaradka ahaa u soo dhabayr adaygeen inuu xisbigu ku guulaysto doorashadii madaxtooyada.

Kulankii Madaxtooyada?

Habeenimadii Salaasadii ee toddobaadkan, waxa wasiirkii hore ee warfaafinta looga yeedhay qasriga madaxtooyada, waxaanay kulan ku yeesheen Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo. Kulankaas  oo ay madaxweynaha iyo wasiirka ku wehelisay xaaska Madaxweynaha Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde, wuxuu madaxweynuhu wasiirka kaga codsaday inuu ka noqdo go’aanka uu labadaas masuul xilka kaga qaaday, isagoo ka codsaday inuu ixtiraamo soo jeedintiisa. Laakiin Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa Madaxweynaha si cad ugu gacan saydhay soo jeedintiisa, waxaanu sheegay inaanay xil ka qaadistiisa uu sameeyay ka noqosho lahayn, balse Madaxweynuhu kala doorto inuu go’aankaasi sidaas ku hirgalo iyo inuu isaga xilka ka qaado oo uu wasaaradda u dhiibo masuul kale oo wasiir ka noqda. Waxaanu kulankaasi habeenkaas ku dhamaaday is afgarasho la’aan. Hase yeeshe maalinimadii salaasadii waxa Boobe Yuusuf Ducaale u tagay wasiir ka tirsan xukuumadda oo ka codsaday inuu aqbalo soo jeedinta Madaxweynaha, laakiin Boobe ayaa meel adag iska taagay soo jeedinta Madaxweynaha.  Taasinay waxay sabab u noqotay in Madaxweynuhu si deg deg ah shalay xilka uga qaado Boobe Yuusuf Ducaale.

Gunaanad

Wasiirada qaranku iyagaa awood u leh inay maamulaan wasaaradaha masuuliyiinta looga dhigay, waxase dad badan ka yaabisay inay Madaxtooyadu wasiirada ku farogeliso maamulka wasaaradaha uu Madaxweynuhu u magacaabay.  Si kastaba ha ahaate, Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa la filayaa inuu Isniinta soo socota marka uu xilka ku wareejiyo wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami oo xilka si ku meelgaadh ah loogu sii dhiibay, bilaabo qormooyin taxane ah oo uu ku baahin doono warbaahinta maxaliga ah.