“Mucaarad Iyo Muxaafidba Waa Inaynu Is Weydiinaa Halkaynu Ku Waajahan Nahay”

0
632

Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur)

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur), oo ka mid ah hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka,waxaanu ku taliyey in si wada jir ah looga gudbo, isagoo tilmaamay in is bedello ballaadhani ay ka socdaaan Wadamada Geeska, halka Somaliland himiladeedii ay ku socotay ay meesha ka baxday.

Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya Siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland  yidhi,  “Waxaynu maraynaa xaalad aynu u baahan nahay inaynu dib u eegno, heerka aynu marayno iyo waddada aynu afka saarnay inay tahay tii saxda ahayd ama tii khaladka ahayd, maanta halkaas ayeynu maraynaa marka aynu eegno is bedelka ka dhacaya Gobolka, iyo siday wax u socodaan, waxaynu u baahan nahay inaynu milicsano waddada aynu marayno ma tahay tii ina geynaysay halkaynu doonaynay, mise waa mid khalad ah oo soo oodmaysa goor dhaw,runtii Qaranku ha iska itaal yaraado ee markii hore wuxuu haystay jidkii uu ku gaadhi lahaa rajadiisa, laakiin bariyahan dambe waxaa dhacday inay muuqato gabood falo badan oo ka dhacaya Xukuumadda, sidaas awgeed waxaa muuqata inaynu ka ambanay kana leexanay waddadii saxda ahayd ee aynu himiladeena ku gaadhi lahayn, sababtoo ah dalalkan aynu jaarka nahay dal waliba wuxuu sameeynayaa  istaaratiijiyad cusub oo uu dhigtay, iyo qorshe muuqda oo uu ku talaabsanayo iska daa’ siyaasadii noocaas ahayd ee siyaasadeenii arrimaha gudduhu ay isku dhex yaacday oo ay qasan tahay”.

Mar uu ka hadlaayey is bedelada Wadamada jaarka ayaa yidhi  “Waxaad arkaysaa dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti inta dal ee uu marti galiyey ee la shaqeeya, ee ogol, isfahanka wuxuu ku keenaa oo uu ku soo jiitaa dad badan oo kala duwan, si aad ula macaamisho, dalka Itoobiya wey bedeleen siyaasadoodii hore ee Arrimaha Dibadda, oo Siyaasad cusub ayey maanta soo dhigeen, oo todoba bilood ayey baadhayeen khubaradooda iyo macalimiintooda jaamacadaha halka dantoodu ku jirto iyo halka u haboon ee loo jeedin karo, wixii ka soo baxay ayey maanta doonaysaa Itoobiya inay fuliso, oo ay ku fuliso Soomaaliya oo ay inaga inagu fuliso, oo Kenya, Jabuuti iyo Wadamada Itoobiya ku xeeran oo dhami ku jiraan, dhinaca kale Somaliya dhaq-dhaqaaq badan bay wadaa, oo waliba qaar badani lid inagu yihiin, oo qaranimadeena khatar ku yihiin, Diyaarado Milatari ilaa Ciidamadii Cirka ayaa loo diyaarinayaa, oo inagu marnaba ku fikirin in Ciidamado Cir  iyo Diyaarado aynu yeelano, maadama ay Somaliland tahay 30 jirna waxay ahayd inaynu yeelano Ciidamo Cir, oo cidii Cirka difaaci lahayd la diyaariyo, Itoobiya iyada oo aan Bad lahayn bay haddana Ciidankeeda Badda diyaarsantay oo ay tababartay, Kenya weynu ognahay oo Badda Somaliya ayey duulaan ku tahay, oo waxyaabo badan oo hawlaheeda ah ayey ku jirtaa, maanta inaga ayaa dib u socona marka loo eego Gobolka, markii horena waxaynu ahayn halka kaliya ee hore u socota, oo ka horeeya Wadamada kale oo dhan, marka loo eego qaabka Doorashada aynu u galno, sida uu bayacmushartarkeenu yahay, sida ay nolosheenu tahay, sida aynu u raadsanayno waxaynu u bahan nahay iyo sida uu nidaamkeenu yahay, in badan oo hore ayaan yidhi haddii aan Siyaasad la ilaalin oo aan loo fikirin iyo halkaynu ku socono caalamadaha soo baxaya ma qurux badna, waxaynu maqalaynay Shir hoos hoos uga dhacay Jabuuti, oo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Masuuliyiin kale ay inooga qayb galeen, Somaliyana qaar uga yimaadeen, kadibna hoos hoos loo wada hadlay, waxa shirkaas lagaga hadlaayeyna wax Somaliland ku haboonayn ayuu ahaa, waxayna ahayd in Miisaaniyadda 2020 aynu Somaliya ku darsano Hawada dakhiliga soo kordha”.

Siyaasi Daamuur mar uu ka hadlaayey siyaasadda arimaha guddaha ayaa yidhi ‘Madaarkeena dayaacado fara badan baa ku furan, oo waxaynu arkanay Diyaaradda Fly Dubia sidii u sigatay iyo qaabkii looga hadlay, waanu aragnaa sida dadka dhulka loogu qabsanayo, sidaas darteed anigu waxaan ku masaalay Somaliland, Markab weyn oo badda ku dhex jira, oo u baahan in aad looga taxadiro cadawgii soo weeraray iyo badda gurxamaysa, cimalada oo eegmo u baahan, inaga oo waxaas oo dhan eegin, in talaagada ku dhex jirta badda caanaha ku sii jira inaynu isku qabsano odayga ayaa cabay iyo muu cabin maaha, mucaarad iyo muxaafidba waa inaynu is weydiinaa halkaynu ku waajahan nahay, arrimaha ina haystaana maaha arimo aynu si yar uga gudbi karno, maxaa yeelay Hawadii ayaa la inaga haysta, Wadamadii Dariska ayaa culus inaga haysta, ee Shir qaran ha la iskugu yimaado, oo aynu ku wada tashano, haddii aan qaranka la dhisin, oo aan gudaha laga dhisin, oo Doorashooyinkii la qaban, oo aan dadka la is ogolaysiin, meelna la gaadhi maayo, waana laga qashaafaya, waxaana u baahan nahay inaynu is weydiino maxaa inaga khaldan, Mucaarad iyo Muxaafidba waxaa la inooga baahan yahay inaynu saxno wax walba oo inaga khaldan”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here