Arrimo Kaa Caawin Kara In Aad Dakhligaaga Kor U Qaaddo, Si Aad U Daboosho Kharashka Sii Kordhaya (3)

0
939

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee maqaalkii ka warramayey ilo dihin oo qofku uu ka samayn karo dhaqaale. Haweenayda qoraaga ah ee Ally Semniego ayaa maqaalkan ku qortay majaladda Clara ee afka Spanish ka ku baxda.

Bare Internet ka adeegsada

Maanta marka Soomaalida laga hadlayo, dad badan oo Qur’aanka Kariimka ah xafidsan ama aqoon akhriskiisa u leh ayaa ah bareyaal internet u adeegsada macalinnimo ay Qur’aanka ku baraan arday Soomaali ah oo daafaha adduunka jooga.

Laakiin dad badan oo kale ayaan fahamsanayn in fursaddani ay sida oo kale u bannaantahay cid kasta oo leh hibo iyo aqoon ay gudbin karaan. Waa se Soomaalida oo keliya, ee dunida kale waxaa maanta dhaqaale badan laga sameeyaa waxbarashada internet ka loo adeegsado. Maaddooyinka kala duwan ee cilmiga, heerarka dugsiga iyo illaa waxwbarashada jaamacaddaba waa fursad dihin. Xitaa shaqaalaha kala duwan iyo ganacsatada ayaa u baahan waayo-aragnimo iyo duruus laga siiyo shaqooyinka ay wadaan. Xisaabaadka, maamulka xafiisyada, nidaaminta shaqada, iyo meel kasta oo la dayo fursad ayaa ka jirta ee haddii aad aqoon iyo waayo-aragnimo u leedahay ka faa’iidee fursaddaas.

Adiga oo shaqadaada kale haysta, ku dadaal in aad dugsi internet ka ah furato oo aad ardayda daafaha adduunka jooga u gudbiso aqontaada iyo waayo-aragnimaada. Waa kaalin aad ka qaadanayso dhismaha bulshada iyo fursad aad dakhli labaad ku samaysan karto.

Maamul bog ka mid ah baraha bulshada

Waxaa jira dad badan oo leh bogag ka mid ah baraha xidhiidhka bulshada, sida Facebook, Youtube, twitter iwm, oo ay ku faafiyaan xogo iyo macluumaad ay danaynayaan. Dadkaas waxaa ku jira kuwo badan oo dano iyo shaqooyin kale ku mashquula oo aan waqti u helin in ay ka shaqeeyaan, ama xogtooda geliyaan barahooda bulshada.

Haddii aad dhisto xirfaddaada maamulka iyo qurxinta baraha bulshada, sida oo kalana noqoto ruux aamin ah, waxa aad heli kartaa qof dadkaas ka mid ah oo aad u maamusho barahiisa bulshada. In aad boggiisa facebook geliso macluumaadka uu kuu dhiibto ama ku faro in aad geliso iyo in aad muuqaallada uu doonayo geliso kanaalkiisa Youtube ka.

Shirkadaha oo dhami maanta waxa ay leeyihiin baro bulsho oo ay kala xidhiidhaan macaamiishooda, kuna soo jiitaan macaamiil cusub, shakhsiyaadka muhiimka ahina sida oo kale waa ay leeyihiin. Waxa kale oo leh warbaahinta kala duwan ee adduunka ka jirta. Waxaa marar badan dhinacyadan kala duwani ay dhibaato kala kulmaan maamulista iyo ka shaqaysiinta barahooda bulshada oo aanay waqti ku filan u helin.

Adiga oo shaqadaada kale haya u tag shirkadaha kala duwan ee bogagga ku leh shabakadaha xidhiidhka bulshada, xitaa u tag dadka wax ku iibiya baraha bulshada dhexdooda, tus khibraddaada saacado koobanna ka shaqayso.

YouTube

Ally Semniego waxa ay maqaalkeeda ku sheegtay in waayadii hore ay carruurta adduunka badankoodu ku hammiyi jireen in ay dhakhaatiir iyo macallimiin noqdaan, laakiin wax badani ay hadda aragtidaas hore iska beddeleen.

Ciyaaraha kubadda oo kubadda cagtu ugu sii weyn tahay, fannaanimada iyo saxaafadda ayaa maanta ka mid ah xirfadaha ay da’ yar badani u aragto in barashadoodu fududahay, dhaqaale iyo magac weyna laga samayn karo. Waxaaba dhici karta in ay gaadho in ilmaha yar marka aad weydiiso waxa uu jecel yahay in uu mustaqbalka ka shaqeeyo, uu kugu jawaabo in uu samaysto Youtube (YouTuber).

Haddaba adiguna ha dhayalsan faa’iidada laga samayn karo YouTube ka oo noqon kara il uu qofku ku helo kab dhaqaale oo wax badan ka daboola.

Samayso Kanaal YouTube ah, baro filim qaadista iyo qurxinta ama wax ka beddelka muuqaallada, kaddib bartaada Youtube ku faafi muuqaallada aad ogtahay in ay bulshada anfacayaan ama in qayb bulshada ka mid ahi xiisayn doonto.

Waxa aad ogaataa in warbaahinta internet ka ee ‘Digital Media’ loo yaqaannaa ay ku sii siqayso in ay beddesho warbaahintii dhaqanka ahayd ee talefishannada, idaacadaha iyo wargeysyadu ka mid ahaayeen.

Waxa aad samayn kartaa Youtube Tv, ay ka baxaan macluumaad iyo warar la xidhiidha siyaasad, dhaqaale, waxbarasho, maadays iyo guud ahaan waxyaabaha ay bulshadu xidhiidhiso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here