“Nebi Muxamed SCW Wuxuu Yidhi, Markaad Aragto Xilka Umadda Oo Loo Dhiibay Dad Aan Ehel U Ahayn Waa Calaamadaha Qiyaamaha”

0
1114

Hargeysa(Geeska)-Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa khudbadii Jimcaha ee shalay wuxuu kaga hadlay tilmaamaha uu Islaamku u jideeyay in lagu xusho qofka umadda xil loogu dhiibayo.

Sheekh Dirir, wuxuu yidhi, “Nebiga SCW ayaa wuxuu nin ka mid ah asxaabtii oo caan ku ahaa cibaadada iyo ammaanada , wuxuu ku yidhi, “ “Abu Daaroow adigu waxaad tahay nin itaal daran xagga xilka marka la eego, waxaan naftayda la jecelahayna waan kula jecelahay xilkaasina waa wax qofka u keena duli uu maalinta qiyaamaha ka murugdoon doono.”

Sheekh Dirir wuxuu sheegay in xilalka oo loo dhiibo dad aan ehel u ahayn ay muujinayso calaamadaha qiyaamaha, waxaanu yidhi  “In ammaanadan iyo xilkan la dayaco oo aan meesheedii munaasibka ku ahayd la dhigin, oo xilalkii la xumeeyo oo dad aan ehel u ahayn loo dhiibo waa calaamadaha qiyaamaha.  Nin baa nebiga u yimid SCW oo weydiiyay qiyaamaha iyo calaamadaheeda, wuxuu nebigu yidhi markaad aragto xilkii iyo ammaanadii oo loo dhiibay dad aan ehel u ahayn qiyaamaha sug.”

Sheekh Dirir, wuxuu sheegay in Islaamku diiday inaan xilka loo dhiibin qofka olole u gala, ilaa mid laga maarmi waayo mooyee,  “Wuxuu islaamkeenu diiday oo rasuulku scw diiday qofka codsada ee olole u gala ee  yidhaahda aniga ha lay dhiibo inaan loo dhiibin ilaa mid isagu laga fursan waayo oo ka dadka ugu mudan mooyaane.”

Sheekh Maxamed Cumar Dirir, wuxuu intaas ku darya “Bukhaari waxa ku sugan asxaabi la odhan jiray Cabdiraxmaan ibnu sarwa ayuu nebigu la hadlay scw oo uu ku yidhi waxba xilkan umadda ka dhaxeeya iyo madaxtinimada ha codsanin oo ii dhiiba ha odhan hadaad codsi qadinto oo sidaas lagugu siiyo Alle garabkaaga wuu ka baxayaa oo adiga ayaa lagugu eegayaa, haddii laguu dhiibo oo lagu soo garto adigoo ku wanaagsan daraadeed Alle ayaa kugu garab galaya. Asxaabiga markuu nebigu la hadlayo kelidii kuma koobna ee si caam ah ayuu u hadlayaa.”

Sheekh Dirir, oo khudbada sii wataa wuxuu yidhi “Waxa sii cadaynaya isna xadiis kale, wuxuu yidhi asxaabi,  nebi Muxamed SC ayaan u galay oo waxa ila socda laba nin oo qoladayda ka mid ah, mid kamid ah ayaa ku yidhi Nebi aloow shaqo ayaan doonayaa oo xil in la ii dhiibo ayaan rabaa, kii kalena kamuu hadhin ee uu dalbady markaas nebigu wuxuu yidhi SC xilkan aad sheegaysaan annagu uma dhiibno qofka codsada iyo ka ku dedaala, maxaa loogu diiday ayaa isweydiin leh, waxa loogu diidaya inuu danaysanayo oo aanu dadka u danaynayn.”

Sheekh Dirir, wuxuu soo bandhigay qaar ka mid ah shuruudaha laga rabo qofka uu Islaamku xil u dhiibanayo, waxaana ka mid ah:

  1. Inuu qofkani yahay qof awood u leh shaqadan islamarkaana lagu aamiini karo oo aanu ahayn qof tamar daran oo khaa’in ah, si kale haddii loo dhigo shaqooyinka waxa loo dhiibayaa dadka awooda leh ee aaminka ah ee aan khaayimka ahayn.
  2. Qofku inuu wixii ilaalinayo, aqoona leeyahay oo shaygan cilmi u leeyahay oo tii hore quwad ayay ahayd laakiin cilmiguna waa lagama maarmaan.

Toddobaadka dambe ayuu Sheekh Dirir balan qaaday inuu halkaas ka sii wadayo mawduucan:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here