Guddiga Doorashada Oo Baarlamaanka Ka Codsaday Inay Astaanta Tiro Ku Bedelaan

0
496

 

guddiHargaysa( Geeska )- Gudida doorashooyinka qaranka ayaa ugu baaqay labada gole ee baarlamaanka inay dib ugu noqdaan xeerka doorashooyinka, oo ay astaanta ku badalaan tiro si ay dalka uga suurto gasho doorasho, waxaanay mudanayaasha golaha wakiiladu maanta isugu imanayaan kalfadhi aan caadi ahayn oo uu codsaday Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

 

Xubnaha gudida doorashooyinka oo wada jira waxa ay sharaxaad dheer ka baxiyeen qaabka ay khaarsh badan u soo kordhinayso haddii baarlamaanku ku adkaystaan in astaan lagu galo, isla markaasna ay dhib ugu noqon doonto cod  bixiyayaasha inay codeeyaan,. Waxaanay taageero balaadhan u muujiyeen in doorashada lagu galo tiro oo ay ku tilmaameen qaabka kaliyaata ee ay ku suurto galayso doorasho.

Sida oo kale waxa ay ku tilmaameen astaamaha kuwo qaar badan oo kamid ah ay isku eeg yahiin oo aan la kala garanayn islamarkaana luminaaya codka muwaadiniinta.

Gudida doorashooyinku waxay ku celceliyeen in loo meelmariyo tiradaas oo ay sheegeen inay isla ogolyihiin ururada siyaasadda ee baratamaya.

Gudoomiyaha komishanka doorashooyinka Ciise Yuusuf Xamari oo ugu horayn halkaas ka hadlayayaa yidhi “ Waxaanu idiinku yeedhanay haddii aad saxaafada tihiin in aan idinla socodsiino halka ay marayaan arimihii doorashadu, waxyaabahii arimaha doorahsada ku xidhnaa ee qabyada naga ahaa waxii ka soo qabsoomay iyo waxii aan ka soo qabsoomin, waxa ugu weyn ee ku xidhnaa waxay ahaayeen arimo sharci, Dhaqaale iyo farsamada iyo hawlgalka doorashada. Waxaana ugu waawaynaa dhaqaalaha iyo sharciyada qaybtii dhaqaalaha ee aan ka codsanay xukuumada iyo deeqbixiyayaasha, xukuumadu intii kaga jirtay miisaaniyadan 2012 waynoo soo wada shubtay, deeqbixiyayaashiina waxay balan qaadeen in waxii ku soo kordhay qarashkii doorashada markii laga soo guuray nidaamkii hore inay bixinayaan, waxaanay yidhaahdeen waxaan soo shubaynaa markay sharciyaadku idiin dhamaystirmaan.” Gudoomiye Ciise Xamari isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ Sidaad ka war qabtaan madaxweynuhu waxa uu ku soo celiyay labada gole xeer lanbar labaatan qodabkii sumada ee aan anagu soo codsanay In lagu isticmaalo lanbar halkay sumad ka tahay, waxaan leenahay komishanka doorashooyinka qaranka iyagaa loo igmaday qaabka farsamo ee ay ku suurto galayso doorashadu, gole kale looma igman, sharciyad ayaa nagaga xidhan qaabkii ay ku suurto galaysay doorashada. 225 calaamadood oo lagu dul joojiyo oo hal warqad ku sawiran inaad heshid sumadii aad doonaysid, iyada oo aan hayno doorashadii baarlamaanka warqadii lagu codeeyay oo dadka ay isaga eegaadeen Ridii, Orgigii, Deeradii iyo Goodirkii, waxa kale oo isku eekaaday Libaaxii,Shabeelkii iyo Bisadii oo codkii dadku waa uu lumayaa oo dan uma aha, dadkuna waxay wada fahmayaan lanbarka oo kunka shilin iyo shanta boqol waa ay kala yaqaanaan, tilifoonadu markay ku soo dhacaana way kala yaqaaniin waliba iyada oo qofku  waxba qorin hadana sumad ahaan buu u garanayaa.”

Ugu danbayntii waxa uu gudoomiye Ciise Xamari ku soo gabogabeeyay hadalkiisa dooda ah“ Haddayunu ka hadlayno dan doorasho anagaa doorashadii qaabilsane hanalooga danbeeyo, haddii wax kale laga hadlaayona maanaan sheegin, ururadii ay arintan khusaynaysayna waynala fahmeen oo qaabkaas way nala qaateen. Haddaba golayaasha waxaan ka codsanaynaa qaabkii ururadu doonayeen ee guddidii farsamadu doonaysay yaan la garan waayin. Haddii aynu dadka codkooda ilaalinayno 225 calaamadood sax kuma aha, inta laga hadlaayo ee la leeyahay lanbarada ma akhriyaan waxaan ugu kabnay xeerkii in qofka qof u calaamadin karo intuu soo kaxaysto iyo in gudida komishankuba u calaamadin karayaan.”

Md. Cabdifataax Ibrahim Sheekh Xasan, oo ka tirsan guddiga doorashada oo isna sharaxaad ka bixiyay mawduucan ku saabsan in doorashada lagu galo tiro.

Egn.Faarax Abiib Aadan oo isaguna sharaxaad ka bixinaaya doorasho tijaabo ah oo ay sameeyeen waxa uu yidhi “Markii la yidhi qofka musharax ah toos haloo doorto, waxay noqotay qasab in sharcigii la raaco, haddaan nahay komishanka waxaan tijaabinay bal siday ku suurto gali lahayd, iyadoon diiwangalin aan lahayn, markaas waraaqii way balaadheen oo ururadii ayaa batay, dhaqaalahii ku baxaayayna waa uu batay, markaas tijaabo waxaan ka qaadnay astaanta inta labadalo in lanbar laga dhigo oo soo koobaysa warqada iyo dhaqaalahaba, taas oo hawlaha inoo fududaynaysa.”

Waxa uu sheegay Eng.Faarax in ay komishanku tijaabo ku sameeyeen 200 qof oo qaybaha bulshada isugu jira ayna ugu asoo baxday in lagu gali karo doorashada lanbarka dhaqaale badana uu sidaas kaga baaqsanaayo dorashada.