Moorish: Koox Diineed Ku Doodaysa In Ay Hayso Qaybo Sir Ah Oo Ka Mid Ah Qur’aanka Kariimka Ah (Q.4)

0
169

Butler Lamont waxa uu sheegtay in uu isagu leeyahay qasrigan, waxa aanu la soo baxay dhukumantiyo rasmi ah oo uga marag furaya sheegashadiisan. Arrinta yaabka sii badisay waxa ay ahayd in dhukumantiyada uu ninkani maxkamadda keenay ay ahaayeen Axdi nabadeed iyo saaxiibtinimo qaddiimi ah oo ay hore u galeen dalalka Marooko iyo Maraykanku taariikhdu markii ay ahayd 1787 kii, waxa kale oo uu keenay dhukumanti ah ‘Axdiga Fiyeena ee xidhiidha qunsuliyadeed oo soo baxay sannadkii 1963 kii’

Waxa uu maxkamadda kaga dooday in qayb weyn oo dhulka Maraykanka ka mid ahi ay ka tirsanaan jirtay Imbaraadooriyaddii Marooko, iyo in awoowyadiisii hore ay dhulkan joogeen ka hor intii aanay dhismin dawladda Maraykanku. Sidaas awgeed in qasrigan qaddiimiga ah cidda keliya ee lahaanshiyihiisa xaqa sharciga ah u lihi ay tahay dadka diinta Moorish ka aaminsan ee ku abtirsada imbaraadooriyaddii qasriga lahayd, iyo dadkii ugu soo horreeyey ee dhulka yimi.

Butler Lamont Markii maxkamadda uu hor imanayey waxa uu soo xidhan jiray labbis aad u qurux badan, waxa aanu daba fadhiisan jiray miis uu dul saartay laba calan oo yaryar oo ah calamada dalalka Marooko iyo Maraykanka.

Doodihiisii maxkamadda waxa uu ka sheegay marxaladihii nololeed ee uu soo maray oo ay ka mid tahay waxbarashadiisii iyo shaqooyinkii uu soo qabtay.  Waxa uu sheegay in sannadkii 2006 dii uu bilaabay dadaal uu jawaabo ugu raadinayo arrimo noloshiisa ka mid ah, taas oo uu sheegay in ugu dambayntii uu ka dhex helay taariikhda Maraykanka iyo Marooko.

Marka uu ka warramayey qasrigan uu qabsaday, Butler Lamont waxa uu sheegay in qasrigani uu leeyahay hanti ay awoowyadiisii reer Morooko lahaayeen. Garsoorihii maxkamadda oo u jawaabaya ayaa ku yidhi, “Marka la eego sharciyadda aad sidato, macnaheedu waxa uu noqonayaa in aad xaq u leedahay guri kasta. In aad leedahay Ameerika oo dhan; badaheeda iyo wax kasta oo dhex yaalla. Laakiin waxa aan kuu sheegayaa in aanay sidaas u dhaqmin bulshooyinka xorta ah ee nidaamak dawladnimo leh.

Maxkamaddu intii ay socotay waxaa la arkayey in garsooraha ay ku adkaatay in uu Butler Lamont ku qanciyo ka tanaasulka aaminsanaantiisa ah in Maraykanku uu qayb ka yahay Imaraadooriyaddii Marooko ee addunyada ku firidhsanayd. Iyo in ay awoowyadii oo reer Morooko ahi ay Maraykanka heleen ka hor intii aanay dhismin dawladda Maraykan ee waqtigani.

Dood adag ayaa uu Butler Lamont maxkamadda la yimi, isaga oo ku andacoonaya xidhiidhka taariikhiga ah ee Morooko iyo Maraykanka, waxa aanu ku qanci waayey dhammaan dooihii ka soo horjeeday. Ugu dambayntii garsoorihii maxkamaddu waxa uu gaadhay go’aan xukun oo ahaa in Butler Lamont xabsiga la dhigo, loona geeyo dhakhtar nafsi ah.

Awoowyadii A-Samuurri

Cilmibaadhaha taariikhda casriga ah Usaama Sakaari oo u dhashay dalka Morooko ayaa inkasta oo uu beeniyey doodda Moorish ee ah in dad asalkoodu Morooko ka yimi ay ku soo horreeyeen dhulka Maraykanka, waxa uu sheegay in doodda Moorish ay ku asal leedahay imaanshiyihii Saciid Bin Xadwi oo caan ku ahaa Mustafa Azemmour uu ku yimi dhulka Maraykanka.

Usaama Sakaari wwaxa uu sheegay in kutubta taariikhda ahi ay isku waafaqsantahay in Mustafe Azemmour uu ka soo jeeday magaalada Azemmour ee dalka Morooko. Waxa kale oo uu qiray in Azemmour uu dhulka Maraykanka yimi ka hor intii aanu iman sahamiyihii Columbus. Dadka Moorish kuna waxa ay isu arkaan in ay yihiin tafiirtii Mustafe Azemmour oo markii uu dhulkaas yimi inta uu degey dhexgalay dadkii deegaanka ahaa ee Hindida cas-cas loo yaqaanna, gaar ahaan gobalka Arizona imika loo yaqaannno.

Dadka Hindida Cas-cad ayaa illaa maanta Mustafe Azemmour waxa ay u aqoonsan yihiin in uu astaan u ahaa nabadgelyada iyo wada xaajoodka taariikhda Maraykanka, dadka Madowga Maraykankuna sannad kasta waxa ay sameeyaan munaasabado ay ku xusayaan Mustafe Azemmour.