Moorish: Koox Diineed Ku Doodaysa In Ay Hayso Qaybo Sir Ah Oo Ka Mid Ah Qur’aanka Kariimka Ah (3)

0
171

Dadka Moorish ma’aha dad macbadka ku eeg oo nolosha caadiga ah ka saahiday sida diimaha kale qaarkood. Balse waxa ay saamayn siyaasadeed iyo bulsho ku leeyihiin dadka ay dhex joogaan. Dalka Maraykanka waxa ay ku leeyihiin wargeys ay ku faafiyaan aragtiyahooda oo lagu magacaabo ‘Moorish Guide’ sida oo kale waxa ay leeyihiin idaacad iyo talefishan YouTube ka ay ka baahiyaan oo lagu magacaabo ‘The Voice of Moorish America”

Dadka Moorish aaminsani diin ahaan uun kuma wada socdaan, balse waxa aan ka madhnayn abtirsiin isir, waxa ay dhammaantood sheegtaan in asalkooda hore uu ka soo jeedo Marooko, sidaas awgeed uu dalka Morooko yahay dalkooda asal ka u ah ee ay awoowyadoodii hore ka soo jeedeen. Waana sababta keentay in ay weli ku faanaan xidhashada dharka dhaqanka u ah reer Morooko, gaar ahaan koofiyadda iyo labbiska haweenka. Sida oo kalana waxa ay leeyihiin in badan oo ka mid ah caadooyinka dhaqanka ah ee dadka Morooko. Sida oo kale waxa ay aad ugu faanaan calanka Morooko oo ay rugahooda cibaabada ka taagaan, una soo qaataan munaasabadahooda diiniga ah iyo xitaa isu soo baxyada waddaniga ah ee ay dadyowga kale qaybgalayaan, sida dibadbaxyadii dhowaan ka dhacay dalka Maraykanka.

Dadka diinta Moorish aaminsan ee Maraykanku inkasta oo aanay haysan jinsiyadda dalka Morooko, haddana waxa ay si joogto ah booqashooyin qaarkood diintooda la xidhiidhaan ku tagaan dalka Morooko, waxa aanay si gaar ah u xurmeeyaan magaalada Marrakesh ee dalkaas oo ay xogaha qaar sheegayaan in magaca ‘Moorish’ qudhiisa halkaas laga soo dheegtay.

Ku biirista diintan waxaa shardi u ah in aad asalkaaga Morooko ka dhigto xitaa haddii aanu ahayn:

Arrimaha xiisaha leh waxaa ka mid ah in qof kasta oo cusub oo diintan ku biira ay waajib ku noqonayso in uu qirto in asalkiisa hore Morooko ka soo jeedo, xitaa haddii aanay sidaas ahayn. Waxa kale oo laga rabaa in marka ay jinsiyadda Maraykanka dalbanayaan ama dhukumantiyada muwaadinnimadooda ay ku sheegaan in isir ahaan ay ka soo jeedaan Morooko. Waxa ay aaminsanyihiin in arrintani ay muhiim u tahay, si loo tirtiro taariikhdii hore ee madowga oo caadi ahaan addoonsigii Maraykanka la xidhiidhinaysa.

Marka uu qofka cusubi diintan qaato waxaa la horgeynayaa gole maamul oo shuruudaha looga baahan yahay hubinaya, kaddibna u ansixinaya in uu yahay ‘Moorish’ ansixintaasna waxaa ka mid ah in la siiyo waraaqo aqoonsi ururka u gaar ah oo caddaynaya in uu qofkani asal ahaan Morooko ka soo jeedo. Muddo kaddib qofka Moorishka ah waxaa la siiyaa baasaboor u gaar ah diintan oo ka duwan baasaboorkiisa rasmiga ah ee Maraykan.

Inkasta oo aanu ahayn baasaboor cidi aqoonsantahay, haddana waxa ay aaminsan yihiin in haysashadiisu ay qayb ka tahay aaminsanaanta diintooda sidaas awgeed qof kastaa waa uu haystaa.

Inkasta oo ay aaminsan yihiin in asalkoodu Morooko iyo guud ahaan woqooyiga Afrika ka soo jeedo, haddana arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in ay aaminsan yihiin in aanu jirin isir kale oo ka leh Maraykanka marka laga reebo dadkii asal ahaan loogu yimi dhulka ee Hindida cas-cas loo yaqaanno. Waxa ay ku faanaan in awoowyadoodii hore ay Maraykanka yimaaddeen waqti aad u fog oo xitaa ka durugsan waqtigii ay yimaaddeen dadka asalkoodu reer Yurub yahay ee Maraykanka.

Imaanshiyihii Maraykanka

Koox diimeedka Moorish waxa ay aaminsan yihiin in dadka madowga ah ee Maraykanka uu asalkoodu ka soo jeedo woqooyiga qaaraddan Afrika, gaar ahaan imbaraadooriyaddii Morooko, oo fadhigeedu ahaan jiray dhulka ay hadda ka dhisantahay dawladda Morooko, illaa laga gaadho webiga Senegal iyo qaybo ka mid ah dalalka Niger, Maali iyo Chad.

Waxa ay aaminsanyihiin in dhulka Maraykanka qudhiisuna uu taariikhdii hore ahaan jiray dhul maamul ahaan raacsan Morooko, ka hor intii aanu soo gaadhi sahamiyihii Christopher Columbus sannadkii 1492 kii, oo ah marka la aaminsan yahay in la helay dhulka Maraykanka.

Moorish waxa ay ku doodayaan in Islaamku uu Columbus uga horreeyey dhulka Maraykanka, oo xilli aad u fog ay yimaaddeen dad muslimiin ah oo ka soo kicitimay dhulka Marooko, kaddibna ay Maraykanka degeen kuna faafiyeen diinta Islaamka. Waxa ay daliil cad u haystaan masaajid la sheegay in Columbus hortii dhulka Maraykanka laga dhisay oo ay sheegaan in ay dadkaas muslimiinta ahi dhiseen. Taariikhda Maraykanka ee Moorish waxa ay sheegaysaa in dadka reer Yurub ee u horreeyey markii ay Maraykanka degeyeen in ay fasax ka soo qaateen Suldaankii xilligaas ka talinayey Morooko oo illaa dhulka Maraykanka maamulayey. Fasaxaas ayaa ahaa in ay muddo 50 sano ah kiro ku deggenaadaan dhulka Maraykanka oo ay beertaan.

Moorish waxa ay sheegaan in dadkaas caddaanka ahaa ee reer Yurub ay ku wacad fureen Suldaankii iyo guud ahaan muslimiinta, kana baxeen heshiiskii kirada ahaa, kaddib markii inta ay dhulka Maraykanka si xooggan u degeen oo ku xoogaysteen ay qasab ku qaateen gabi ahaantiiba.

Maqaal 20-kii Sabtembar 2013 kii uu faafiyey wargeyska Wshington Post oo cinwaan looga dhigay, “Istaraatijiyadda difaaca ee cusub … Marooko ayaa aynu joognaa” waxa uu ka hadlay mid ka mid ah dacwadaha ugu yaabka badnaa ee soo maray taariikhda garsoorka Maraykanka.

Arrintani waxa ay la xidhiidhaa nin muwaadin ah oo lagu magacaabo Butler Lamont oo ka tirsanaa koox diineedka Moorish. Ninkani waxa qabsaday qasri aanay cidi deggenayn oo ku yaalla magaalada Washington ee dalka Maraykanka. Qasrigan oo lagu magacaabo ‘Bethesda’ waxa uu ku fadhiyey dhul bedkiisu dhan yahay 35 kun oo mitir oo laba jibbaaran, waxaana lagu qiimeeyey lacag dhan 7 Milyan oo doolar.

Butler Lamont waxa uu sheegtay in uu isagu leeyahay qasrigan, waxa aanu la soo baxay dhukumantiyo rasmi ah oo uga marag furaya sheegashadiisan. Arrinta yaabka sii badisay waxa ay ahayd in dhukumantiyada uu ninkani maxkamadda keenay ay ahaayeen Axdi nabadeed iyo saaxiibtinimo qaddiimi ah oo ay hore u galeen dalalka Marooko iyo Maraykanku taariikhdu markii ay ahayd 1787 kii, waxa kale oo uu keenay dhukumanti ah ‘Axdiga Fiyeena ee xidhiidha qunsuliyadeed oo soo baxay sannadkii 1963 kii’ La soco…