“Miyir Qab  Isugu Nimaadno, Yaan Waali Lagu Wada Hadlin”

0
687

 

Madaxweyne Biixi Oo Tiriyay Caqabadaha Doorashooyinka Ku Gedaaman

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay arimaha doorashooyinka ee dalka horyaala oo uu ku tilmamay dhaqaaluhu inuu yahay dhibta kaliyaata ee hor yaala qabsoomida doorashooyinka dalka.

Waxa uu madaxweyne Biixi  wax aan culays lahayn ku tilmaamay khilaafka komishanka doorashooyinka iyo saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada ee muranku ka taagnaa, waxaanu difaacay mudo dhaafka golayaasha wakiilada,guurtida iyo dawladaha hoose.

Madaxweyne Biixi ayaa arimahan kaga hadlay carwadii warshadaha dalka oo uu khudbad ka jeediyay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “ Xageena maanta dadku waxay dhagaha u taagayaan  buuq siyaasi ah ayaa jira  waxaan leeyahay Somaliland maanta intii ganacsatada ahayd ee wax ku lahayd ee ka naxaysay waa ay joogtaa haddii aynaan doorashooyin qaban wakhtiga ugu suurtogalsan taladeenu waa ay murgaysaa  waa dhab oo is diidsiin kari mayno, doorashooyinkuna waa ay daaheen  waxay u daaheena waa tamar darnaanteena  iyo siyaasadeed  oo curdin ah, xisbiyadu waa curdin siyaasadooduna waa curdin qoladayada xisbiyada hogaamisaana daadka ayuunbaanu ka mid nahay  ileen samada kamaanu soo dhicine talada ciir ciiraysa ee imika bilowga ah  ayaanu la hardamaynaa, waxa curdin ah sharciyadeenii oo imika dhismaaya  oo iyaguna baahidoodii iyo dal-dalooladoodii leh, markaas duruufahaas, sidaas warshadaheenii u daaheen ee laydhkeenii u jabi la’yahay  ee warshadii sibidhka aan dhisan kari la’nahay  ee wadooyinkeenu u xun yihiin ayay siyaasadeeniina u liidataa oo ay u gaabinaysaa, waxaan leeyahay aan mudnaanta siino marka hore inaan siyaasada dajino  oo isugu tagno.”

Madaxweynuu waxa uu difaacay golayaasha mudo dhaafay oo uu ku tilmamay xal “ Labda gole iyo dawladaha hoose xoog kuma fadhiyaan  mana diidana in la badalo waayo xeerka ayaa sidaas ah waana rag garanaaya oo xilkiina jooga, waxaan ku darsanay dastuurkeena oo aan si leeyahay waa marka kaliyaata ee aad talo hesheen waxaan nidhi gole la doortay gole la doortay ayuunbaa badali kara, dadka dhibsanaaya gole 15 sanadood maraaya guurtida oo 30 maraysa  kuwii kale oo saddex ku socda, waxay la dagi la’dahay dawlada Somaliya qodobkaas ayay la’dahay  gole gole badala ha gaadho, waayo raagidani waa dhibaato laakiin waxay dhaantaa  fawdada iyo is dhex yaaca la waayo cid  wax xukunta, ma xalaalaynaayo inay golayaashu daahaan oo tamar daradeena ayaa keentay, waxaan hubaa maanta waxaas lays haaraamayo xogogaal ayaan u ahay cid walba raga golayaasha joogaa  inay diyaar u yihiin in la badalo laakiin sifo sharci ah ayaa lagu badalayaa eed suuqa ah iyo cay iyo haaraamid xaq uma laha waa kula mid oo sharciga ayuunbaa qabta, aroorta hadii waxii sharcigii oo dhan loo keeno waa diyaar  anigaa huba, ka guurtidana waan ogahay, laakiin waa inaan waxii inaga dhiman dhamaynaa.”

Ugu danbayntii waxa uu madaxweyne Biixi ka hadlay waxyaabaha hortaagan doorashooyinka dalka“ Doorashada sadex qodob ayaa hor taagan ka ugu muhiimsana waa dhaqaalaha hadii Somaliland doorashada dhaqaalaheeda bixin waydo  oo cid kale ka bixiso  waligeed socon mayso nin taladiisa cid ay ka bixisay, qof taladiisii cid u maamushaa meel ma gaadho waan bixin karnaa oo wax badan maaha, dawlad,ganacsato dadka ka shaqaynaaya  hawsha yareeya iyo inaga oo u aragna doorashada nin kursi doonaya ee aynu u aragno nolasheenii iyo  maamulkeenii, waan qabsan karnaa ee waan is yeel yeelaynaa, khilaafaadku waa wax la xalin karo, ka u horeeyaa waa dhaqaalaha, komishankan imika taagan waa masalo basiid ah  waa wax la xalin karo oo waa inta laysaga imanaayo, maxuu basiid ku yahay dadku markay wax isku qabtaan laba hal ayuunbay ku heshiiyaan maslax iyo xaagaan hadii ay socon waayaana sharciga ayaa la raacaa  labadiiba awoodeeda waan leenahay, laakiin miyirqab aan isugu nimaadno yaan waali lagu wada hadlin, ta soo hadhayna waa kuraasta baarlamaanku ku fadhiyo oo la yidhaahdo  iyaduna waa masalo basiid ah  maanta ma sidan ayaan yeelnaa  ma karayaa  tan dib ma u dhiganaa  tan hore ma uqaadnaa  wax la garan waayo maaha, waxaan leeyahay Somaliland maanta qorshaha  qudhaata ee u yaalaa waa inay isugu tagtaa iyada oo wada socota  oo tashatay inaan doorashada qabano mudo gaaban.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here