Xildhibaan Nacnac Oo Bogaadiyay Heshiiska Ceel-Afweyn

0
1250

 

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay heshiiskii ka dhacay Ceel-afweyn, ee dhexmaray labada Beelood ee deegaankaas wada dega,waxaanu ugu baaqay inay ka digtoonadaan colaada dabme oo ka dhex dhacda, waxaanu ku taliyey in la ilaaliyo heshiiska, lana fuliyo qodobada lagu heshiiyey.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Marar badan baa baaqyo kala duwan loo diray labadan Beelood ee Ceel-afweyn, horena waa loo heshiisiiyey, haddana Shaydaan baa ka dhex faa’iidaysanayey, oo iyagoo isku deegaan ah oo wada dhashayey ayey is dileen, dagaalna wiil kuma dhasho ee wiil baa ku dhinta, waana ka dhimay oo kugu dhimay, waxaan leeyahay Shaydaanka ha la iska naaro, labada Beeloodna bogooda ILLAAHAY burcad ha isku mariyo, heshiiskaas ka dhacay ceel-afweyna, waa in la ixtiraama, lana fuliya qodobada lagu heshiisiyey, wax walba oo la isku qabto, iyada oo aan dagaal dhicin baa lagu kala baxa, oo dariiq lagu kala baxo ayaa jira, ee dagaal iyo aanada ha la iska ilaaliyo, oo ILLAAHAY ha laga baqo, oo qof walba akhiradiisa ha ilaashada, heshiiskaasna waan soo dhaweeynayaa, ILLAAHAYNA ha inooga dhigo heshiis waara , oo aan waligii burin.

Madaxweyne Afwerki Iyo Socdaalkiisa Addis Ababa

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa shalay gaadhay  magaalada Addis-Ababa, halkaasi oo uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya kula yeelanayo kulankii ugu horreeyey tan iyo markii uu abaal-marinta nabadda ee Nobel Peace Prize ku helay billaabidda heshiiska labada dal.

Eritrea iyo Itoobiya ayaa waxaa dhex-maray dagaal xuduudda ka dhacay, 1998-2000, kaasi oo ay ku geeriyoodeen qiyaastii 80,000 oo qof.

Waxyar un kadib markii uu xunkunka yimid, Abiy Ahmed, oo 43 jir ah, ayaa ka yaabiyey dunida iyo dalkiisaba isaga oo la xiriiray Afwerki, si uu heshiis nabadeed ula gaaro.

Abiy ayaa Afwerki kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha calaamaiga ah ee Bole, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ku xiran ee Fana.

“Inta lagu guda jiro joogitaankiisa Itoobiya, madaxweynaha Eritrea, waxaa la filayaa inuu la kulmo saraakiisha Itoobiya, sii ugala xaajoodo arrimaha labada dhinac.” Ayey tidhi Fana.

Afwerki ayaa waxaa safarka ku wehliya wasiirka arrimaha dibedda Osman Saleh iyo la-taliyaha madaxweynaha Yemane Gebreab, sida uu qoraal uu twitter-ka soo dhigay ku sheegay wasiirka warfaafinta Eritrea, Yemane G. Meskel.

“Labada hoggaamiye waxay ka wada xaajoon doonaan sare u qaadista arrimaha muhiimka ah ee labada dhinac iyo arrimaha gobolka” ayuu yidhi Yemane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here