Madaxweyne Biixi Oo Tiriyay Caqabadaha Doorashooyinka Ku Gedaaman
Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay arimaha doorashooyinka ee dalka horyaala oo uu ku tilmamay dhaqaaluhu inuu yahay dhibta kaliyaata ee hor yaala qabsoomida doorashooyinka dalka.
Waxa uu madaxweyne Biixi wax aan culays lahayn ku tilmaamay khilaafka komishanka doorashooyinka iyo saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada ee muranku ka taagnaa, waxaanu difaacay mudo dhaafka golayaasha wakiilada,guurtida iyo dawladaha hoose.
Madaxweyne Biixi ayaa arimahan kaga hadlay carwadii warshadaha dalka oo uu khudbad ka jeediyay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “ Xageena maanta dadku waxay dhagaha u taagayaan buuq siyaasi ah ayaa jira waxaan leeyahay Somaliland maanta intii ganacsatada ahayd ee wax ku lahayd ee ka naxaysay waa ay joogtaa haddii aynaan doorashooyin qaban wakhtiga ugu suurtogalsan taladeenu waa ay murgaysaa waa dhab oo is diidsiin kari mayno, doorashooyinkuna waa ay daaheen waxay u daaheena waa tamar darnaanteena iyo siyaasadeed oo curdin ah, xisbiyadu waa curdin siyaasadooduna waa curdin qoladayada xisbiyada hogaamisaana daadka ayuunbaanu ka mid nahay ileen samada kamaanu soo dhicine talada ciir ciiraysa ee imika bilowga ah ayaanu la hardamaynaa, waxa curdin ah sharciyadeenii oo imika dhismaaya oo iyaguna baahidoodii iyo dal-dalooladoodii leh, markaas duruufahaas, sidaas warshadaheenii u daaheen ee laydhkeenii u jabi la’yahay ee warshadii sibidhka aan dhisan kari la’nahay ee wadooyinkeenu u xun yihiin ayay siyaasadeeniina u liidataa oo ay u gaabinaysaa, waxaan leeyahay aan mudnaanta siino marka hore inaan siyaasada dajino oo isugu tagno.”
Madaxweynuu waxa uu difaacay golayaasha mudo dhaafay oo uu ku tilmamay xal “ Labda gole iyo dawladaha hoose xoog kuma fadhiyaan mana diidana in la badalo waayo xeerka ayaa sidaas ah waana rag garanaaya oo xilkiina jooga, waxaan ku darsanay dastuurkeena oo aan si leeyahay waa marka kaliyaata ee aad talo hesheen waxaan nidhi gole la doortay gole la doortay ayuunbaa badali kara, dadka dhibsanaaya gole 15 sanadood maraaya guurtida oo 30 maraysa kuwii kale oo saddex ku socda, waxay la dagi la’dahay dawlada Somaliya qodobkaas ayay la’dahay gole gole badala ha gaadho, waayo raagidani waa dhibaato laakiin waxay dhaantaa fawdada iyo is dhex yaaca la waayo cid wax xukunta, ma xalaalaynaayo inay golayaashu daahaan oo tamar daradeena ayaa keentay, waxaan hubaa maanta waxaas lays haaraamayo xogogaal ayaan u ahay cid walba raga golayaasha joogaa inay diyaar u yihiin in la badalo laakiin sifo sharci ah ayaa lagu badalayaa eed suuqa ah iyo cay iyo haaraamid xaq uma laha waa kula mid oo sharciga ayuunbaa qabta, aroorta hadii waxii sharcigii oo dhan loo keeno waa diyaar anigaa huba, ka guurtidana waan ogahay, laakiin waa inaan waxii inaga dhiman dhamaynaa.”
Ugu danbayntii waxa uu madaxweyne Biixi ka hadlay waxyaabaha hortaagan doorashooyinka dalka“ Doorashada sadex qodob ayaa hor taagan ka ugu muhiimsana waa dhaqaalaha hadii Somaliland doorashada dhaqaalaheeda bixin waydo oo cid kale ka bixiso waligeed socon mayso nin taladiisa cid ay ka bixisay, qof taladiisii cid u maamushaa meel ma gaadho waan bixin karnaa oo wax badan maaha, dawlad,ganacsato dadka ka shaqaynaaya hawsha yareeya iyo inaga oo u aragna doorashada nin kursi doonaya ee aynu u aragno nolasheenii iyo maamulkeenii, waan qabsan karnaa ee waan is yeel yeelaynaa, khilaafaadku waa wax la xalin karo, ka u horeeyaa waa dhaqaalaha, komishankan imika taagan waa masalo basiid ah waa wax la xalin karo oo waa inta laysaga imanaayo, maxuu basiid ku yahay dadku markay wax isku qabtaan laba hal ayuunbay ku heshiiyaan maslax iyo xaagaan hadii ay socon waayaana sharciga ayaa la raacaa labadiiba awoodeeda waan leenahay, laakiin miyirqab aan isugu nimaadno yaan waali lagu wada hadlin, ta soo hadhayna waa kuraasta baarlamaanku ku fadhiyo oo la yidhaahdo iyaduna waa masalo basiid ah maanta ma sidan ayaan yeelnaa ma karayaa tan dib ma u dhiganaa tan hore ma uqaadnaa wax la garan waayo maaha, waxaan leeyahay Somaliland maanta qorshaha qudhaata ee u yaalaa waa inay isugu tagtaa iyada oo wada socota oo tashatay inaan doorashada qabano mudo gaaban.”