Milicsiga Weedhihii Uu Madaxweyne Silanyo Ku Naqdiyay Khudbad Rayale 2008 Labada Gole U Jeediyay

4
744

RayaleAndSilanyoHargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa 30 April, 2008 oo uu ahaa guddoomiyaha xisbiga KULMIYE,  waxa uu shirjaraa’id ku qabtay magaalada Burco, waxaanu kaga jawaabay aragtidiisa khudbad uu Madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin oo xilligaas ahaa Madaxweynaha dalku uu 29 April u jeediyay labada Gole Baarlamaan ee dalka taas oo ahayd khudbadiisii distooriga ahayd.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo xilligaas ahaa guddoomiyaha xisbigii mucaaradka ahaa ee KULMIYE,  wuxuu si adag u naqdiyay khudbadda uu Madaxweyne Rayale u jeediyay labada gole, waxaanu yidhi “Runtii maan joogin khudbada, ee imika inyar oo aan Tv-ga ka arkayay, Madaxweynuhu kama garaabin dhibaatooyinka wakhtigan jira iyo geedi socodka dimuqraadiyada siduu ugu tuntay, siduu caddaaladda ugu tuntay, arrimihii xoriyalatal-qawlka siduu ugu tuntay iyo siduu uga tallaabsaday amaanidii dadka iyo dalku u dhiibtay.’

Axmed Siilaanyo isagoo ka jawaabaya khudbadaas Daahir Rayaale Kaahin oo uu kaga sheekeeyay wax qabadkiisa wuxuu yidhi  “ma aha qofku inuu durbaankiisa iska tunto, ee waa in dadku u gartaa waxa uu qabtay.”

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu Axmed Siilaanyo yidhi,  “Waxa uu maanta [shalay] Rayaale ku faanayo ee uu baarlamaanka hortooda ka sheegayo ee uu leeyahay waxaasaanu qabanay waa wixii Ummadu gacanteeda ku qabsatay, hadday jaamacado tahay iyo hadday dhis tahayba.”

Waxa uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo Sabtidii toddobaadkan khudbad u jeediyay labada Gole Baarlamaan taas oo ahayd khudbadiisii uu distoorku ku waajibiyay inuu sannadkiiba hal mar labada gole u jeediyo  khudbad qaran. Inkastoo uu Madaxweyne Siilaanyo xilligaas hore sheegay inay fiicantahay inaanu hoggaamiyuhu is faanin ee ay umaddu u garato waxa uu qabtay haddana waxa uu saddex sannadood ka dib  khudbadii uu Sabtidii toddobaadkan u jeediyay  labada gole Baarlamaan uu ku yidhi “Waxaanan idiin sheegayaa in balanqadayadaa 85% ka mid ahi qabsoomeen, oo ay sidii loogu talo galay u fuleen, halka 10% gacanta lagu hayo oo aanu ku rajo weynnahay inay maalmaha soo socda dhammaadaan, 5% keliya ayaan filaynaa waxa aan noo qabsoomin ku talogalkayagii.”

Comments are closed.