Maxaa Sababay Khilaafka Madaxweyne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa/

9
781

u_39119d_2011-7-1-7-44-50f_Siilaanyo_Zeylici_jpgHargeysa(Geeska)-Xubno iskood isu xilqaamaday ayaa la sheegay inay waan waan ka dhex bilaabeen Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici oo maalmihii u dambeyay uu khilaaf ka dhex oognaa.

Inkastoo uu afhayeenka Madaxtooyada Mr. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) beeniyay inuu wax is af-garan waa’ ahi jiro, haddana ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay in Khilaafka labada hoggaamiye uu ka dhashay arrimo is biirsaday oo ay u dambaysay xilka guddoomiye xigeenka hay’ada qurbo jooga oo uu u doonayay nin lagu magacaabo Mr. Cabdi-weyne, kaas oo la sheegay inuu Madaxweynuhu hor istaagay ka dib markii ay wasiirada madaxtooyada iyo Arrimaha dibadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Md. Maxamed Cabdillaahi ku qanciyeen in la hoos gayn doono wasaaradda khaarajiga. Ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay inuu khilaafku soo shaac baxay ka dib markii uu toddobaadkan kulan dhex maray Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa iyadoo ay labadaas wasiir iyo wasiirka duulista hawada Maxamuud Xaashi Cabdi goob joog ka ahaayeen, waxaana la sheegay inuu Madaxweyne xigeenku Madaxweynaha su’aalay sababta uu u magacaabi waayay masuulka uu haya’daas la doonayay, laakiin jawaabta Madaxweynaha ka hor ayaa la sheegay inay xubnaha wasiirada ah qaarkood sheegeen in hay’adaas la hoosgayn doono wasaaradda khaarajiga, waxaana hadalkaas wasiirada ka xumaaday Madaxweyne ku xigeenka Md. Saylici oo kulkankii ku soo bandhigay tabashooyin is biirsaday oo uu tirsanayay, waxaanu kulankaas ka baxay sida uu warku sheegay isagoo nidar ku maray inaanu ka qayb geli doonin shir dambe oo ay golaha wasiiradu leeyihiin. Waxaana go’aankiisaas fuliyay khamiistii oo uu ka baaqsaday inuu ka qayb galo shirkii golaha wasiirada ee toddobaadlaha ahaa oo uu Madaxweyne Siilaanyo guddoominayay.

Md. Saylici, ayaa waxa kale oo uu ku doodayaa inaan laga qayb gelin go’aamada muhiimka ah ee lagaga arrinsanayo arrimaha xaasaasiga ah ee qaranka sida xaaladda gobalada Bari iyo dagaalkii u dambeeyay ee Buhodle ku dhex maray ciidamada qaranka iyo maleeshiyaad reer Buhodle ah.

Si kastaba ha ahaate waxa socda dedaal la doonayo in lagu qaboojiyo inuu khilaafku banaanka u soo baxo, waxaana la sheegay in ergadaas la kulantay Madaxweyne ku xigeenku u sheegay inuu diyaar u yahay inuu Madaxweyne Siilaanyo kula garnaqsado madal loo dhanyahay oo ay fadhiyaan dadka jecel qaranimada Somaliland isagoo balan qaaday inuu ka dheeraan doono wax kasta oo khilaafka sii huriya amaba wiiqi kara Somaliland oo xilligan ku jirta marxalad xaasaasi ah.

Comments are closed.