Xildhibaan Axmed Gacan Oo Wasaaradda Ganacsiga Ku Dhaliilay Inay Ka Gaabisay Wax Ka Qabashada Sicir Bararka Dalka Saameeyay

0
490

Picture5

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha guddiga Nabadgeliyada ee Golaha Guurtida XIldhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), ayaa dhaliilo u soo jeediyey Wasaaradda Ganacsiga oo uu sheegay inay ka gaabisay xilkii ka saarnaa Ganacsiga dalka, isaga oo tilmaamay in aanay waxba ka qaban qiimaha sare u kacay ee Maceeshada iyo Sarifka Lacagta Doolarka,.

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), ayaa sidoo kale ka digay faragelin uu sheegay inay Puntland ku hayso Somaliland,isla markaana ay doonayso inay ciidamo keento Deegano ka mid ah Somaliland.

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye ayaa Shir jaraa’iid oo uu Shalay qabtay waxa sidoo kale uu  ka hadlay Ciidamada Qaranka iyo dilalkii dhawaan ka  dhex dhacay, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay in la isku soo dhaweeyo, oo wixii khilaaf ah ee dhex yaala la dhameeyo, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Roobkiina ILLAAHAY wuu inoo shubay, xagga Dhalinyada dawladda hoose ee Dibadaha loo dirayana in Ictiraaf inoo yimaado oo ILLAAHAY halkaas inaga siiyo, taasna waanu rajaynaynaa, waayo dalku ilaa uu Ictiraaf helo,  Qorshaheenu ha inoo dhisnaado, dawladnimadeena aynu ilaashano, wixii ugu qaalisanaa ee Nabadgeliyo ah aynu haysano, haddana wax weyn ayaa inaga maqan oo dalku ilaa inta uu Ictiraaf helayo wax weyn ayaa ka dhiman, taasna waxa aan rajaynayaa in ILLAAHAY inagu gargaaro, inaguna aynu u shaqo tagnoo, dhaq-dhaqaaq iyo shaqo ayaa la inaga doonayaa, Jahliyada Somaliland ee dibada joogtana aad iyo aad ayaan u gubaabinayaa, oo waxa aan leeyahay halkaas ka sii kordhiya”.

XIldhibaan Axmed Muuse Obsiiye ayaa mar uu ka hadlaayey Puntlad waxa uu yidhi “Waxa aan maqlaayey Puntland Ciidamo ayey keenaysa Goboladaas Barriga, Laascanood wixii ka shisheeya, taasi iyada ayey dhibaato u tahay, Somaliland Maanta diyaar ayey u tahay inay dalkeeda xasilato, ilaashato wixii ku soo doontana cidna ka cafiyi mayso, Adduunyadana Nabadgeliyo ayaa Maanta u wanaagsan, Xabadina waxa ay kordhisaa ma jirtee , wuxuun ayey dishaa, markaa haddii ay Puntland taas ku dhaqaaqdo, dhibaatadeeda iyada ayaa leh.

XIldhibaan Axmed Obsiiye ayaa mar uu ka hadlaayey Ciidanka Qaranka yidhi “Ciidanka faranta joogana waxa aan leeyahay Geesiyaal dalkooda aad u ilaashada weeye,  laakiin waxa ay soo kala dhexgalay, ee Xukuumaddu waxaas ha ka dhex saarto, iyagii ayaa is dilay, oo Madaxdii ayaa la laayey, oo Askar ayaa la laayey, taasi haddii ay Ciidamada soo kala dhex gasho, mushaakilkeeda ayey leedahay, waxa aan Xukuumadda leeyahay arintaas waxa ha laga qabto, Ninkii farata wax ku dila, markiiba farantana ha lagu dilo, sidaas ayey Ciidamadu wax ku noqon karaan, Ciidamadana waxa aan leeyahay Maanta idinka ayaa Ciida ka masuul ah, idinka ayaa dadka u masuul ah, kuwa lagu hurdaa waa Ciidan, sidii awalba la idinka bartay wax kastaba ha la keene halkaase kalsooni badan ayaanu ku qabnaa Ciiidanka, Puntland waxa aan uga digaya baaqna uga dirayaa halkaas yey colaad ka abuurin, anagu ka abuuri mayno, oo Somaliland ka abuuri maysee,wixii ka yimaadana iyada ayaa dusha u ridan”.

XIldhibaan Axmed Obsiiye ayaa mar uu ka hadlaayey Maceeshada waxa uu yidhi “Umadda Maanta Somaliland joogta dan yar ayey u badan tahay, dadkii dan yarta ahaa aad iyo aad ayey u liitaan, waayo Todoba Boqol iyo Todobaatan ayuu Saaka (Shalay), marayaa dollarkii, walibana inay wax dheer yihiin waan u maleeynayaa, doolarkii haddii uu halkaas gaadhay Kiloogii Bariiska ahaa uu saddex jeer kordhay, dadkii danyarta ahna in badan ayaan waxba iibsan karin, midh-midhkii dibada wax looga soo diri jirayna Xawaaladihii waa laga xidhay, Maanta  sida wax loogu soo diraana wey adag tahay,halkaas mashaakil badan ayaa inaga haysta, Bayac-mushtariga dadka wax keena waxa aan leeyahay,Umaddu idinka weeye, oo dalka idinka ayuu ILLAAHAY wax idinku dhiibay, ILLAAHAY ku doono ayuu kol sare u soo qaada, kolna hoos u kiciyaa, Umadda u naxariista, oo maceeshada qaali garawday Umaddana u naxariista , markaas ayuuna ILLAAHAY idin naxariisanayaa.

Waxa aan leeyahay Tijaarta marka horeba sanqada aad keentaan oo ah waxa ugu liita ee aad dalka keentaan, haddana Maanta meel xun ayey maraysaa, dadkiiniina uu bakhtiyayaa, Roobkiina wali dhulka muu wada gaadhin, ee Umaddiina u naxariista”.

Xildhibaan Axmed Obsiiye ayaa mar uu ka hadlaayey Wasaaradda Ganacsiga yidhi “Wasaaradda Bayac-mushtarka waxa aan leeyahay dhibaatada Maanta joogta adiga ayaa ka masuul ah, ta daba-galka laga doonayo kiishka bariiska ah waxa la soo siinayo ta laga doonayo, qiimaha lagu iibinayo xaq u leh inay fara geliso waxa aan leeyahay Wasaaradda Bayac-mushtarigu iyada ayuu waajibku saaran yahay, haddii ay ka soo bixi weydo iyada ayaa lagala xisaabtamayaa,qof walba oo Masuul ahi, Barlamana ha noqdo, Guurti ha noqdo, Xukuumad ha noqdee wixii Qaranku u qeybiyey inay arintaas daba galaan, waxna ka qabtaan waa Wasaaradda Bayac-mushtariga, waxaana leeyahay Wasaaradda Bayac-mushtarigana arimahaas wax ka bedela”.

Xldhibaan Axmed Gacan ayaa mar uu ka hadlaayey Baanka waxa uu yidhi “Baanka dhexe isagu waa meel qasnad ah, Doolar looma ogola, qasnad ayaa meeshii taala,qasnadina wax badan ma qaban karto, laakiin cida Maanta wax qaban kartaa waa Bayac-mushtariga, waxaana leeyahay Sicir-bararka dadkii wey bakhtiyayaan Wasaaradda Bayac-mushtariga aad ayaan ugu dhaliilsan ahay arintaas, hana farageliso”.