Xildhibaanada Awdal Ee Muxaafidka Ah Oo Qaadacay Mooshinkii Cirro Lagu Ridayay Oo Ay Sheegeen In La Mariyay Jid Qaloocan

0
512

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xildhibaanada golaha wakiilada kaga jira gobalka Awdal, gaar ahaan xildhibaanada muxaafidka ah ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inaanu mooshinka guddoomiye Cirro lagu ridayaa ka turjumayn danta guud ee qaranka, waxaanay sheegeen inay ka noqdeen mooshinkaas oo ay saxeexeen, markii ay arkeen in si khaldan loo adeegsaday.

Xildhibaanada Awdal oo ay tiradoodu ahayd sagaal xildhibaan oo shalay subaxnimadii hore shirjaraa’id qabtay ayaa waxay ku baaqeen in la isu tanaasulo oo aan sharciga laga tagin islamarkaana aan awood la isku muquunin.

Xildhibaan Cabdi Gaagaale, oo ugu horayn shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi “Maanta si kedis ah ayaan isugu nimid intayadan oo wakiil ka ah gobalada Awdal iyo Selel, waxaanu isugu nimid inaanu qarankii badbaadino oo arrin golaha wakiilada dhex socota oo rabash iyo buuq iyo qaylo iyo wadan burburin aanu is leenahay way keenaysaa, maadaama aanu dhexdhexaad nahay waxaanu doonaynaa inaanu dhex galno oo wixii khalad ah labada dhinacba intaanu u sheegno  tubta saxda ah la maro. wadankui wuxuu ku soo caano maalay talo wadaag iyo  in la isu tanaasulo oo la isu dulqaato. Waxaanu leenahay in golaha la hakiyo wixii jirana miiska la keeno.”

Xildhibaan Abiibakar Cabdiraxmaan Good, oo isaguna shirka jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi “Annagoo Xildhibaanadii Awdal ee xisbul xaakimka ah, xaalada waad arkaysaan, waxaynu ku soo caano maalnay ayaa jiray oo ah isku tanaasul oo ah qodob distoori ah, in xal lagu dhammeeyo oo aan awood iyo ismuquunin aan lagu dhammaynin, taas ayaanu qaylo dhaan u diraynaa inaanay buuq waxba iyo qaxar ku soconayn sidii tanaasnulka loo geli jiray aanu u galno.

Guddoomiyaha mooshin ayaa laga saxeexay, waanan saxeexnay laakiin jidkii la marin jiray ee karaamada ahaa ayaanu ugu tallo galnay, laakiin qaabkii sharciga ahaa wuu ka leexday ogolaan maynana in qaabkii uu ka leexdo, shicibka dantiisa waa inaanu eegnaa, xukuumadda danteeda haddii aanu xisbul xaakim naha waa inaan eegnaa, danta umadda eegno, intaba waxay dantu ugu jirtaa in wada hadal wax lagu dhammeeyo iyo hab sharci ah, guddoomiyaha waanu ka qaadi karnaa, mooshinka waanu saxeexnay oo khaladaad wuu jiraa laakiin qaabka looga qaadayaa qaab sax ah maaha waa qaab wadankeena iyo dalkeena wax yeelaya, sidaas darteed ayaanu mooshinkayaga u joojinay ogolaana mayno annagoo danta guud iyo danta dalka eegayna.”

Xildhibaan Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa isna yidhi “Waxay nala noqotay markaanu dhan walba ka rogrognay oo ka baaraan degnay, mooshinkaas golaha wakiilada in la geeyo la doonayaa inaanu ahayn mooshin haddii sida maanta loo wado loo dhigo dan inoo ah, waxaan ka hadlayaa qaranka Somaliland, xisbul xaakimka dan uma aha iyo madaxweynaha iyo muxaafidka, mucaaridka dan uma aha, shacabkana dan uma aha, golaha wakiiladana dan uma aha. Soomaalidu waxya tidhaahdaa tolkaa taagtaa looguma taliyo, Somaliland waxay maraysaa marxalad xaasaasi ah, waxay nala noqotay inaanu ka noqono mooshinkii oo aanu nidhaahno xildhibaanadii muxaafidka ahaa waar mooshinka cagta u dhiga, guddoomiyaha iyo mucaaradkisana waxaan leenahay guddoomiye waxa ku doortay inta badan ee xildhibaanadana haddii ay kaa horyimaadaana awood ku haysan maysid, laakiin sifo sharcigu ogolyahay in loo maro ayaanu danaynaynaa.”

Wuxuu xildhibaanku ku baaqay in la isu ldulqaato oo la isu tanaasulo, lana ilaaliyo danta guud ee qaranka.