Midabbada Indhaha Iyo Sababaha Isbeddelka Ku Keena

0
778

Bu’da iyo wiilka indhaha aadamuhu waxa ay leeyihiin midabbo kala duwan, laakiin boqolkiiba 70 dadka qaaradaha adduunka oo dhan, midabka indhahoodu waa bunni. Marka si gaar gaar ah loo eego midabka indhaha dadyawga adduunkana waxaa la sheegaa in boqolkiiba 95 dadka Jabbaan, dadka asalka ah ee Shiinaha, dadka bariga dhexe, Koonfurta Ameerika, Koonfurta Yurub iyo dadka gobalak Oceania, loo yaqaanno indhahoodu waa bunni, dalka Maraykanka kala badh dadhkiisa indhahoodu waa bunni.

Indhaha midabkoodu buluugga yahay waxaa u badan dadka woqooyiga Yurub, oo ah boqolkiiba 89 dadka dalka Stuania, Denmark iyo Finland. Boqolkiiba 75 dadka dalka Jarmalka iyo ku dhowaad boqolkiiba 50 dadka Ingiriiska ayaa uu iyagana midabka indhahoodu buluug yahay.

Dhinaca kalana boqolkiiba 2 qof dadka dunida ayaa ay indhahoodu leeyihiin midab cagaaran. Waxa aanu midabkani can ku yahay dadka dalalka Isbaaniya, Ireland, Ruushka, Baraasiil, Iceland iyo Pakistan.

Hadda marka laga tago in indhaha bani’aadamku ay u dhasheen midabbadaas kala duwan, ahddana waxaa jira isbedbeddel ku xidhan duruufo kala duwan oo uu midabka indhuhu sameeyo, waxaa ka mid ah:

Dareenka qofka

Marka uu qofku dareemo farxad badan ama cadho xooggan, waxaa is beddela garaaca wadnaha, waxa kale oo uu qofku sameeyaa neeftuur badan. Sida oo kalana waxa uu isbeddel ku dhacaa midabka bu’da isha. Waxaa lagu arkaa in ay inta dabiiciga ah ka yara weynaatay, midabkeeduna isu beddelay madow, ama midab furan. Marka dareenka beddelay farxad yahayna waxaa inta badan lagu arkaa in ay indhuhu inta caadiga ah ka sii iftiin iyo saafinimo bateen.

Da’da

Midab kasta oo ay indhuhu leeyihiin marka uu qofku dhasho, haddana waxa ay u dhowdahay in uu isbeddelo marka uu qofku da’ noqdo.  Sababaha waxaa ka mid ah bu’da isha oo marka hore ay ku yarayd maadadda midabka samaysa ee ‘Melanin’ marka uu qofku da’ noqdana ay dabiici tahay in maadaddaasi yaraato. Waxa kale oo sababaha ka mid ah cufnaanta nudaha iyo miiqyada hilibka qofka.

Deegaanka

Dadka ku nool deegaannada buuraleyda ah, dadka midabka indhahoodu uu buluugga yahay waxa uu isu beddelaa bunni midabka qoriga / looxa u eeg.

Waxaa xusid mudan in indhaha midabkoodu bunnigayahay ay inta badan yihiin kuwa ugu yar dhinaca isbeddelka midabka da’ kasta oo u uqofku gaadho. Waxaa sababta loo tiriyaa midabkan oo awood u leh in uu nuugo ilayska qorraxda.

Cuntada

Cunistaanka khudradda noocyadeeda ayaa la aaminsan yahay in ay saamayn ku yeelato midabka indhaha. Khudradda cagaaran ee sida gaarka ah loo tilmaamay wax aka mid ah ‘Koostada’ oo indhaha ka ilaalisa midabguurka, isla markaana dhalaal dheeraad ah ku kordhisa. Malabka ayaa isaguna midabka indhaha ka dhiga mid furan oo qurux badan. Kalluunkta iyo guud ahaan cuntada badda ayaa indhaha ka dhigta kuwo laga dheehanayo firfircooni iyo furfurnaan. Saliid saytuunta iyo basashuna waxa ay ka mid yihiin cuntooyinka saamaynta fiican ku leh midabka indhaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here