Golaha Wakiilada Oo Durduro Ku Meelmariyay Wax Ka Bedel Iyo Kaabis Lagu Sameeyay Xeerka Isgaadhsiinta

0
599

Hargeysa(Geeska)- Xildibaanada gollaha wakiilada ayaa wax ka badal iyo kaabis ku sameeyay xeerka isgaadhsiinta Somaliland, waxaanay meesha ka saareen kooto xeerkaas ku  jirtay oo loo sameeyay shirkadda SOM Cable ee uu leeyahay ganacsade Maxamed Aw Siciid.

Xildhibaanada fadhigan soo xaadiray oo ahaa 71 ayaa aqlabiyad ku ogolaaday wax ka badalkan, waxaanay suuqa xadhkaha Internet-ka ka dhigeen mid xor ah oo aan cidna u xidhnaan doonin isla markaasna la tixgalin doono shirkadaha wadaniga.

Xildhibaan Siciid  Maxamed Cilmi ayaa ugu horayntii faah faahin ka bixiyay xeerkan meelaha waxkabdalka lagu samaynaayo iyo kaabistaba “ In xeerka boosaha iy isgaadhsiinta xeer lanbar 50 laga saaro lana tirtiro xarfaha 9,18,19,20,21 ee qodoba  saddexaad ee isla xeerkan, in qodabka saddexaad  xarafkiisa 17-aad ee xeerka isgaadhsiinta loo qoro sidan, in wasaaradu ay dhiirigaliso  habsami u istcimaalka suuqa xorta ah adeega  isgaadhsiinta  Internet-ka  iyo adeegaya kale ee isgaadhsiinta oo uu ku jiro adeega xadhkaha  Cableka iyada oo mudnaanta  koowaad la siinayo shirkadaha isgaadhsiinta ee waddaniga ah  in loo fasaxo in si aan kala faquuq lahayn umaalgashan karaan, keeni karaan sii dhex marin karaan ka sii gudbin karaan  kuna fidin karaan xadhkaha dhulka hoos mara xeebaha iyo dhulka Somaliland, in qodobka saddexaad lagu daro faqrada  18 oo cusub oo u dhigan sidan, xeer isgaadhsiinta JSL waxa uu tirtirayaa  kana dhigayaa waxba kama jiraan qoraal ama heshiis cid gaar ah  ay la gashay xukuumadda JSL  oo khuseeya arimaha isgaadhsiinta noocyadooda kala duwan, kaas oo noqonaaya kooto kana hor imanaaya dastuurka JSL oo si cad u qeexaaya  suuqa xorta.”

Intaas kadib guddoomiyegollaha wakiilada  Baashe Maxamed Faarax ayaa cod galiyay xeerka waxbadalka iyo kaabista lagu samaynaayo waxaanay u dhacday sidan “ Waxaan ku dhawaaqayaa waxbadalka iyo kaabista  xeerka, waxa ogolaaday  68 xildhibaan  waxa diiday  hal xildhibaan waxa ka aamusay hal xildhibaan  guddoomiyahuna muu codayn, wax kabadalka iyo kaabistu sidaas ayay ansax ku tahay.”

Xildhibaanka diiday ayaa ah xildhibaan Cali Barre, oo wax ka bedelka xeerkan lagu sameeyay ku tilmaamay mid dhibaato ku soo kordhinaya suuqyada dhaqaale ee Somaliland, iskana horkeenaya shirkadaha dalka.

Mooshinkan oo ay dabada ka riixayeen shirkadaha Isgaadhsiinta ee dalka ayaa si xawli ah ku socday maalmihii u dambeeyay, waxaanu shalay sida  hilaaca u maray golaha wakiilada oo durduro ku meelmariyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here