Shirkadda Dan-Jire Oo Ciidamada Ilaalada Waddooyinka Ugu Deeqday Muraayadaha Indhaha

0
716

Hargeysa,(Geeska)-Shirkadda Dan-jire Sun Glass ayaa  deeq gudoonsiisay Taliska  sare ee Ciidamada nabadgelyada waddooyinka Somaliland.

Deeqdan oo ka koobnayd Muraayadaha Indhaha oo isugu jiray kuwa laga gashado cad-ceeda iyo dabeysha oo wax weyn u tari doona ciidamada ilaalada waddooyinka ee hadh iyo habeen-ba heegaan ugu jira kala hagida baabuurta kala duwan.

Munaasibadii loo sameeyey gudoonsiinta deeqdan muraayadaha indhaha ah,oo lagu qabtay Xarunta Taliska Nabadgelyada waddooyinka ee Magaalada Hargeysa,ayaa waxa ka soo qeybgalay Guddoomiyaha Shirkadda Danjire Sun Glass Cumar Maxamed Maxamuud iyo Madaxa suuqgeynta Danjire Sun Glass Xasan Nuux Muxumed iyo Taliyaha Cidanka nabadgelyada Waddooyinka Somaliland Gaanshaanle Faysal Xiis Cilmi iyo marti sharaf kale.  

Guddoomiyaha Shirkadda Danjire Sun Glass Cumar Maxamed Maxamuud ayaa sheegay iskaashi dhexmara xukuumadda iyo shacabka lagu gaadhi karo horumar, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan dhiiri-gelin ama tilmaan u soo jeedinayaa ganacsatada iyo bulshada dhammaan-baa, waxaa horumar lagu gaadhi karaa marka dowlad iyo shacabku iskaashaddaan, ee ay wax wada-qabsadaan.Adduunyada ma jirto wax dowlada-uun wax laga fisho ama dowladu wax bixiso,laakiin dowlada iyo shacabka oo iskaashi sameeya ayaa horumar lagu gaadhaa,waayo dowladu awood-bay leedahay,shacabkuna awood kale ayuu leeyahay.Labada awoodood oo la mideeyay ayaa horumar lagu gaadhi karaa.” Isaga oo hadalkiisa si watana waxa uu yidhi“Run ahaantii marka aynu ka hadlayno ciidanka nabadgelyadda waddooyinka in aynu u fiirsanno ama wax isweydiinno ciidanka 24-ka saacadood-ba heeganka ah maxay inooga baahanyihiin?, Anigu haddii aanu nahay Shirkadda Danjire Sun Glass waxaanu u aragnay inay u baahan yihiin waxyaabaha aanu ka ganacsano oo ay ugu horreeyaan muraayadaha indhaha lagu xidho, dabadeedna waxaanu garnay in aanu ku caawino oo aanu kula tartanno hawshooda iyaga in aanu cad-ceeda ama dabeysha aanu labadaba wixii aanu kaga tari karno indhahooda aanu u qabano.” Madaxa iibka Shirkadda Danjire Sun Glass Xasan Nuux Muxumed oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa xusay inay shirkada Danjire Sun Glass isku xilqaantay sidii loo kaabi lahaa ciidamada nabadgelyada waddooyinka Somaliland, waxaanu yidhi “Waxaanu aad ugu mahad-naqaynaa taliska ciidamada oo naga guddoomay muraayadaha indhaha oo ay gudoonsiisay Shirkada Danjire Sun Glass, marka aad iyo aad ayay u mahadsan yihiin oo wax kalena waanu soo wadnaa.”  Taliyaha Ciidaanka nabadgelyada waddooyinka Somaliland Gaanshaanle sare Faysal Xiis Cilmi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa uga mahad-celiyay Shirkada muraayadaha indhaha soo dejisa ee Danjire Sun Glass deeqda ay guddoonsiisay,waxaanu yidhi “Waxaa maanta (shalay) xafiiska nagu soo booqday nin ganacsade ah oo la yidhaahdo Cumar Maxamed Maxamuud kana socda shirkada la yidhaahdo Danjire Sun Glass,waxaanu gartay inuu ciidamada nabadgelyada waddooyinka siiyo murayadaha indhaha oo uu ugu tallo-galay marka ay waddooyinka ka shaqaynayaan inay cad-ceeda ka xidhaan.” Ugu danbeyntiina Guddoomiyaha Shirkadda Danjire Sun Glass Cumar Maxamed Maxamuud ayaa waxa uu deeqdii ku wareejiyey Taliyaha Ciidaanka nabadgelyada Waddooyinka Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi.