Meles Oo Sheegay In IGAD Sugayso Ammaanka Meelo Ku Yaala Gudaha Somaliya

0
714

Picture1

Nayrobi(Geeska)-Raysalwasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay in dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD ay diyaar u yihiin inay gacan ka gaystaan sugidda ammaanka goobo ku yaala xuduudka Somaliya.

Meles Zenawi, oo ka qayb galay shir ay khamiistii Nayrobi ku yeesheen hoggaamiyayaasha bariga Afrika iyo hay’adaha ku hawlan caawinta dadka Somaliya ku tabaalaysan, ayaa wuxuu sheegay in hawlgaladaas oo lagu sugayo ammaanka laga fulin doono meelo ku yaala gudaha Somaliya, isagoo sheegay in hawlgaladaasi ay gacan ka gaysan doonaan in cuntada ay hay’adaha gargaarku wadaan gaadho dadka tabaalaysan ee ku sugan goobaha ay kooxaha dawladda Sheekh Shariif ka soo horjeedaa ku suganyihiin. Sida ay qortay wakaaladda wararka ee AFP, hadalkan Meles oo walaac ku abuuray hay’adaha gargaarka, ayaa waxa isna sheegay inaanu wax xog ah ka haynin Raysalwasaaraha dawladda tamarta daran ee Somaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, “Anigu kama war hayo arrinta Meles.” Ayuu yidhi Mr. Gaas.

Hay’adaha gargaarka ayaa doonaya inaan siyaasad milatari lagu xidhiidhin gargaarka caawimada ah ee ay gaadhsiinayaan dadka tabaalaysan.