Dagaal Ka Dhacay Kililka Shanaad Ee Somalida Itoobiya Oo Dhaawac Iyo Dhimasho Keenay

2
1045

Hargeysa(Geeska)-Inta la ogyahay shan ruux ayaa ku geeriyooday dagaal dhex maray dad xoolo dhaqato  oo u dhashay deegaanka Somalida Itoobiya ah iyo ciidan hubaysan oo ka soo jeeda Beesha Ogaden.

Dagaalkaas oo sida la sheegay shalay ka dhacay dhinaca Koonfureed ee deegaanka Dacawalay ee kililka shannaad ee Somalida Itoobiya, waxa la sheegay inuu bilaabmay ka dib markii ay ciidamo hubaysan oo ka soo jeeda Beesha Ogaden weerar ku soo qaadeen dad xoolo dhaqato ah oo u dhashay deegaankaas oo iyaguna ka soo jeeda Beesha Arab. Sida ay wararka ka imanaya deegaanka Laanqayrtu sheegayaan dagaalkaas waxa ku dhintay laba nin oo ka soo jeeday Beesha Arab iyo saddex nin oo ka soo jeeday Beesha Ogaaden oo aan la kala cadayn inay ahaayeen ONLF iyo in kale. Afar ruux ayaa lagu sheegay tirada dadka dhaawacmay ee labada dhinac.

Maaha markii koowaad ee ay dagaalo ka dhacaan deegaanka Somalida Itoobiya, gaar ahaan dadka xoolo dhaqatada ah oo ay inta badan soo weeraraan ciidamo hubaysan oo la sheego inay ka tirsanyihiin jabhadda ONLF. Dadkii dagaalkas ku dhaawacmay qaarkood ayaa la geeyay tuulada Laanqayrta ee kilika shannaad ee Somalida Itoobiya.

Comments are closed.