Madaxweynaha Oo Wasiiro Iyo Xubno Guurti Ah U Diray Xal U Helida Khilaafka Ugaaska Ee Awdal

0
739

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa magaalada Borama ee gobalka Awdal u diray guddi gaar ah oo uu u xulay inay soo xaliyaan khilaafka adag ee ka dhashay soo dhawaynta iyo caleemo saarka Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble oo ku sugan magaalada Jigjiga ee dalka Itoobiya.

Qaar ka mid ah beelaha Samaroon oo horeba si weyn iskaga soo horjeeday siyaasadda, ayaa waxa ay hadda isku mari la’yihiin ugaasnimada Cabdirashiid. Qaar ka mid ah beelaha gobalkaas ayaa guclo iyo orod ugu jira soo dhawaynta iyo caleemo saarka ugaaskaas oo ay ku sheegeen Ugaaska guud ee Beelaha Samaroon, halka ay kuwo kalena ku hawlanyihiin inay ka hortagaan in deegaanadaas lagu caleemo saaro iyo weliba soo dhawayntiisa, waxaanay xasaasiyada arrintaas ka dhalatay xataa saamayn ku yeelatay xukuumadda Somaliland oo xidhay nin la sheegay inuu qurbaha ka yimid oo u socday qaban qaabada soo dhawaynta ugaaska, kaas oo lagu eedeeyay inuu ka mid yahay dadka aasaasay ee aaminsan fikirka waxa loogu yeedho Awdal State, inkastoo markii dambe lagu sii daayay amar madaxtooyada ka soo baxay.

Haddaba, Madaxweynaha Somaliland ayaa shalay Borama u diray laba wasiir oo kala ah wasiirada gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Boosaha iyo isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday iyo weliba xubno guurti ah oo uu ka mid yahay Muxumed Aw Axmed, waxaanay gelinkii dambe ee shalay gaadheen magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal. Guddigaas ayaa sida la sheegay wuxuu Madaxweynuhu u xilsaaray isu soo dhawaynta dhinacyada isku haya caleemo saarka iyo soo dhawaynta ugaaskaas.