Cali Gurey Oo Ka Digay In Qandaraasyada Heshiiska Dekedda Musuq-maasuq Iyo Eex Lagu Bixiyo

0
673

Hargeysa (Geeska)- Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Cali Maxamed  Yuusuf (Cali Guray) ayaa ka hadlay go,aankii ay golaha wakiiladu ku ansixiyeen heshiiska dekeda Berbera ee ay xukuumadu u gudbisay.

1

Cali Guray oo waraysi gaar ah siiyey wargeyska Geeska Afrika  ayaa ku baaqay in mashruucan maal gashi ee dekeda Berbera laga ilaaliyo musuq maasuqa, eexda iyo cadaalada darada kuwaas oo uu tilmaamay inay saamayn taban ku yeelan doonaan, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waa arin aad u wanaagsan in golaha wakiiladu ogolaado in heshiis lala gali karo shirkada DP World, runtiina wax aan ku raaco golahaas dhawryo tobanka sanadood joogaa waa mashruucaan maalgashiga dekeda ee ay ogolaadeen, waana markii ugu horaysay 25-ka sanadood ee aynu jirnay ay dekeda Berberi hesho maalgashi caalami ah, sababta oo ah waxaynu nahay dal yar oo aan la aqoonsanayn oo marka xeerarka caalamiga ah la eego aanay shirkado badan aaminayn, shirkadihii maraykanka ahaa ee halkan baatroolka ka qodayey ee maal gashaday ayaan dib inoo soo eegin.”

Sidoo kale Cali Guray oo ka hadlaya heshiiskan ayaa soo jeediyey arimo uu sheegay inay muhiim tahay in laga  ilaaliyo mashruucan waxaanu yidhi  “Haddii mashruucan maalgashi laga midho dhaliyo oo aan sidii mashruuci General Egergy  aan musuq-maasuq, eex, qaraabo kiil iyo   si aan cadaalad ahayn loo bixiyo qandaraasyada oo aanay wixii hore  inagu soo noqon  oo mashruucan la ilaaliyo, wuxuu noqon doonaa mashruuc aad u wanaagsan waanan ku faraxsanahay.”

Cali Guray oo ka hadlaya rajada uu ka qabo in la qabto shirka golaha dhexe ee xisbiga Ucid ayaa waxa uu yidhi  “Musharaxa Xisbigu Jamaal Cali Xuseen waxa uu qado sharaf u qabtay shantii xubnood ee qaban-qaabada,  Shantii kalena waanu ka sugaynaa Guddoomiyaha, Siddeeda Todobaad ee soo socda waxaan rumaysanahay in aanu Shirweyne qabsan karno  oo Xisbigaygii dhisi karno  oo Golihiisi Dhexe balaadhin karno  oo Guddidiisi fulinta dhamaystiri karno  oo hogaankiisa sare buuxin karno oo aanu u diyaar-garoobi karno in aanu Tartanka ka qayb galno  oo aanu la tartano Xisbiyda kale haddii ALLE yidhaahdo” ayuu yidhi Cali Guray.