Warbaahinta Maraykanka Oo Iftiimiyay Miisaanka Uu Lahaa Wefdigii Somaliland Ee Booqday Washington & Kuwii Maraykanka Ahaa Ee Hargeysa Yimid

0
806

Hargeysa (Geeska) – Weftiga Somaliland ayaa balanqaaday taageerada Taiwan iyo in Somaliland is hortaagayso fiditaanka Shiinaha ee Africa.

Arimahaasi ayaa sababay in Congress-ka Maraykanku dhagaysto waftiga Somaliland.

Bishii hore ee November 2021, wafti dublamasi oo ka socda Somaliland oo ah dal aan wax xiriir ah la lahayn wadamada horumaray ee dunida ayaa booqasho shaqo uga bilaabantay Caasimada Maraykanka ee Washington D.C, waxay dhex mushaaxeen Capitol Hill oo ay ku yaaliin badi xafiisyada looga taliyo dalka Maraykanka, waxay la fadhiisteen mudanayaasha 2da aqal Sanate ka iyo Congress ka, Madaxda Wasaaradaha Difaaca, Tamarta iyo Arimaha Dibada, waxa kale oo ay la kulmeen Gudida mihiimka ah ee Amniga Qaranka Maraykanka.

Waftiga Somaliland waxay soo bandhigeen, doodo macquul ah, bogcada juquraafi ee muhiimka ah oo ay dhacdo Somaliland iyo in ay leedahay dekeda ugu biyaha dheer gobolka taasi oo shirkada caalamiga ah ee DP World ay ku dhistay adduun dhan $442 million oo lagu dhisay qayb cusub oo Xamuulka Containers ah, Dekedan Berbera oo u ogolaanaysa Ciidamada Badda (US Navy) awood ay ku ilaaliyaan Bariga Dhexe iyo Bariga Afrika, taasi oo ah mid dhinaca Amniga u soo jiidanaysa Taliska Ciidanka Maraykanka ee Africom oo saldhigiisa Djibouti masaafad aad ugu dhaw uu Shiinuhu ku leeyahay Saldhig ciidan badeed.

“Waxanu Maraykanka u nimid in aanu tusno in aanu wada leenahay cadow kali ah ‘Shiinaha’, qorshahayaga guudna uu yahay in aanu ku soo dhawaano Dimuquraadiyada iyo suuqa dhaqaale ee Maraykanka” sidaa waxa yidhi Bashir Goth, oo ah madaxa xafiiska Somaliland oo ku yaal Alexandria, Va.

“Anagu waxanu joojinaynaa is balaadhinta iyo saamaynta Shiinaha ee Geeska Afrika, waananu istaahilaa taageerada Washington” ayuu Bashir hadalkiisi sii raaciyay.

Safarkaasi dublamasi ee Somaliland ku tagtay bishii hore Washington isbedel ayuu durba keenay — todobaadkii hore, taariikhda markii ugu horaysay waxa booqasho ku tagay Somaliland wafdi Hawl-wadeenada Congress ka Maraykanka ah, kaasi oo la sheegay in uu yahay wafdigii ugu sareeyay oo xukuumada Maraykanka ah oo mudo 10 sano ah booqda Somaliland.

Wafdiga xaqiiqo raadinta ah ee Congress-ka Maraykanka waxa ka mid ahaa, Hawl-wadenada Mudanayaasha Qoorcasayaasha ah oo kala ah: Sen. Jim Risch (R-Idaho), Sen. Lindsey Graham (R-S.C.), Rep. Chris Smith (R-N.J.), Rep. Kay Granger (R-Texas), iyo Rep. Michael McCaul (R-Texas), Masuul-sare oo ka socday House Foreign Affairs Committee.

“Waftigaasi haatan waxay ku soo laabteen Washington D.C iyagoo ku soo qancay qiimaha ay Somaliland u leedahay Maraykanka marka laga hadlayo dagaalka lidka ku ah Is balaadhinta iyo saamaynta Shiinaha ee gobolka” sidaasi waxa tidhi Piero Tozzi, oo ah Lataliye-sare oo Arimaha Dibada ah oo uu leeyahay Mudane Smith.

“Maadaama ay muuqato, shirqoolada daynka Shiinaha uu siinayo Afrika — Daymaynta Djibouti iyo la wareegida garoonka diyaaradaha Entebbe Airport ee Uganda, si arimahaas looga jawaabo — Muhimada Somaliland leedahay ayaa si muuqata u kordhaysa,” ayay Tozzi tidhi.

“Anigu waxaan rajeynayaa in Xukuumadda Maraykanku toos ula xidhiidhi doonto Xukuumadda fadhigeedu yahay Hargeisa, halkii ay ka soo mari lahayd Muqdisho, oo ay ku biiri doonto wadamada horeba xiriirka dublamasi ula yeeshay Somaliland oo ay ka mid yihiin United Kingdom, Ethiopia iyo UAE oo dhamaantood Wakiilo u fadhiyaan Hargeisa.” ayay hadalkeedii raacisay Tozzi .

Caasimada Washington wafdigii Somaliland oo ka koobnaa Wasiirka Dibada Dr. Essa Kayd Mohamoud iyo Ergayga Khaaska ah ee Madaxwaynaha Somaliland Dr. Edna Adan Ismail, waxay ku talaabsadeen galaangal dublamasi oo heerkiisu sareeyo markii ay bishii hore booqdeen xafiisyada Congress Maraykanka ee Capitol Hill.

Waxa kale oo Wafdiga Somaliland ka codsadeen Xukuumada Maraykanka in ay ka saarto liiska heerka 4aad oo Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanku ku dartay Somaliland wadamada aan loo safri karin (State Department’s “Level 4: Do not travel”) liiskaasi oo ay Somalia ku jirto maadaama oo, ay halakeeyeen, khilaaf siyaasadeed, falal argagaxiso oo ay sameeyaan kooxda argagixisada ah ee gacan saarka la leh al- Qaeda ee al-Shabab.

“Sababta oo ah waxa Somalia maalinle uga dhaca weeraro, ay ka mid yihiin “baabuur qarxaysa (car bombs), dad isqarxinaya (suicide bombers), weeraro iyo is rasaasayn joogto ah” dhacdooyinkaasi oo aan laga aqoonin Somaliland.

Mudane Sen. Chris Van Hollen (D-Md.), oo ka tirsan Gudi-hoosaadka Xidhiidhka Dibedda Africa ee Sanert-ka Maraykanka, ayaa yidhi in uu isagu si buuxda ugu qanacsan yahay — muhiimadda wayn ee Maraykanka ay u leedahay Dekedda Berbera. Waddankan go’doonka dublamasi ku jiraa waxa uu siinayaa Maraykanka fursad wajigabax ku ah dedaallada Shiinaha ku doonayo in uu ku kharibo dhaqaalaha dunida,” ayuu yidhi Mud. Van Hollen.

AWOODDA SHIINAHA EE AFRIKA.

Qorshaha ku talogalka Shiinaha ee ku aadan Africa iyo saamaynta uu ku yeeshay Qaarada laga soo bilaabo sanadkii 2000, Xukuumadda Shiinuhu waxa ay ahmiyad wayn siisay Qorshaha ay doonayso in ay kula wareegto dhaqaalaha Afrika iyadoo u aasaastay Hay’adda Iskaashiga Wadashaqaynta Shiinaha iyo Afrika (Forum on China-Africa Cooperation).

Macluumaadka Dawladda Shiinaha ayaa tibaaxaya in ay ka dhiseen Afrika “6,000 kilometers oo xadiid tareen casri ah iyo waddooyin, ugu yaraan 20 Dekadood iyo 80 dabdhaliyayaal waawayn” guud ahaan Qaaradda. Waxa intaas dheer maalgalinta Xukuumadda Shiinaha iyo Shirkadaha gaarka ah ee Shiinuhu galinyaan waddamada Qaaradda taas oo isugayn dhan $4.2 billion sanadka 2020 oo kali ah. Madaxwaynaha Shiinaha Xi ayaa December 2021, balanqaaday in uu kordhin doono qiimaha alaabaha ay Afrika u soo dhoofiso Shiinaha oo uu gaadhsiin doono $300 billion sanad kasta halka ay imika sanadkii lagu qiyaaso ilaa $200 billion.

Qorshaha Madaxwaynaha Shiinaha ee loo yaqaan ‘Belt and Road Initiative’ ayaa tan iyo 2013kii Dhaqaalo billions ah oo dheeraad ah deyn ahaan ku bixinaya dhismaha horumarinta kaabayaasha dhaqaalahooda 40 waddan.

Shiinahu dhinaca kale waxa uu balaadhiyay xidhiidhka military oo uu Afrika la leeyahay, isagoo saldhig ciidan badeed ka samaystay Djibouti, mid cusubna qorshaynaya in uu ka furto Equatorial Guinea, tababbarro ciidan ayaanu bilaabay in uu siiyo waddamada qaar tan iyo 2006.

“Aragtidayda waxaan qabaa in Maraykanku kor u qaado xidhiidhka uu la leeyahay Somaliland, waxa aanu sugaynaa hadda waa xafiiska danaha Maraykanka oo laga furo Somaliland, kaasi oo noqonaya wakiil dublamasiyadeed iyo mid fuliya Arrimo Ciidan,” ayuu yidhi Mudane Van Hollen. “Qaabka faa’iidada ganacsi ee Shiinahu u adeegsanayo danahiisa Qaaradda, iyo xaqiiqada ah in Shiinuhu awooddiisa dhaqaale kula wareego waddamada Qaaradda ayaa ka [dhigaysa] fursaddan Somaliland mid Maraykanku ku balaadhinayo saamayntiisa dublamasi ee gobolka.” ayuu hadalkiisii raaciyay Van Hollen, sida ay daabacday Warbaahinta Politico.

Good iyo Wefdiga Somaliland waxa kale oo ay kulamo midho-dhal ah la yeesheen madax ka tirsan Waaxda Difaaca, Guddiga sare ee la Talinta difaaca, Waaxda Arrimaha dibedda iyo USAID.

Kulamadaaasi waxa Dublamaasiyiinta Somaliland ku soo bandhigeen sida Jamhuurayaddooda oo leh xeeb dheer oo fidsan Gacanka Cadmeed una dhaxaysa Djibouti iyo Soomaaliya ay noqon karto saaxiib cusub oo Washington ku yeelato Qaaradda Afrika.

Dr. Kayd ayaa sheegay in ay Saraakiisha Xukuumadda Maraykanka isku waafaqeen “in la aasaaso qorshe (framework) seeska u dhigaya iskaashi dhexmara Maraykanka iyo Somaliland.” Taas waxa ku jiri kara Hay’adda u Qaabilssn Maraykanka Kaalmada ee USAID in ay ka hawlgaliso Somaliland xafiiska iskudubaridka kaalmada ee Gobolka, iyo “joogitaanka” aan weli shaaca laga qaadin ee Xukuumadda Maraykanku ku yeelanayso Somaliland..” ayuu hadalkiisii raaciyay Mudanuhu.

 

Geeska.net/Hargeisa Office