Dalka Belgium Oo Xabsiga U Taxaabay Lix Ruux Oo Lagu Tuhmayo In Ay Alshabaab Askar U Qorayeen

1
515

 

Brussels (Geeska)- Dacwad oogayaal midowga Yurub ah oo ku sugan dalka Belgium ayaa sheegay in masuuliyiinta amniga ee dalkaasi ay arbacadii shalay xabsiga u taxaabeen toddoba ruux oo looga shakiyey in ay ku lug leeyihiin abuuridda shabakad ka shaqaysa in ay dhalinyarada muslimka ah ee ku nool magaalada Brussels ku qanciyaan ku biirista xarakada Al-shabaab ee ka hawlgasha dalka Soomaaliya.

Sida ay wararku sheegayaan hay’adaha amniga ee dalka Belgium oo ka duulaaya xog laga helay nin asalkiisu yahay dalka Morocco oo haysta jinsiyadda dalka Belgium oo bishii August 2011-ka lagu qabtay xuduudka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya. Ninkaas u gudbayey dhinaca Soomaaliya ayaa la sheegay in uu doonayey inuu ku biiro ururka Al-shabaab, baadhitaannadii lagu sameeyey ayaana lagu helay xogta ah in ay jirto shabakad ku sugan gudaha dalka Belgium oo shaqadeedu tahay in ay dhalinyarada muslimka ah u dirto deegaannada dagaalka iyo colaadaha diinta la xidhiidhaa ka jiraan ee qaaradda Afrika.

Dacwad-oogayaashu waxa ay sheegeen lixdan ruux oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Morocco iyo dalal kale oo ay ku sheegeen Afrikaan balse aanay weli sii kala sheegin in lagu qabtay baadhitaanno lagu galay guryo badan oo ku yaalla magaalada Brussels. Isaga oo intaas ku daray in ay weli socdaan baadhitaannada lagu samaynayo dadkan la qabtay, kadibna loo gudbin doono garsooraha baadhista oo haddii eedaha loo haysto dadkani u cuntamaan u diri doona xabsi lagu hayo inta maxkamad la soo taagayo.

War-murtiyeed ka soo baxay xeer ilaalinta guud ee dalka Belgium ayaa lagu sheegay in ol’ole baadhis ah oo ay qaadeen ciidamada amniga dalkaasi lagu soo helay qalab kombiyuutarro iyo dhukumantiyo muhiim ah oo loo cuskan karo eedaha dadkan loo haysto.

Marar badan oo hore ayaa dalka Belgium laga helay shabakado ka shaqeeya inay dhalinyarada muslimka ah ee dalkaas ku qanciyaan in ay ku biiraan dagaalyahannada Islaamiyiinta ah ee dalalka Ciraaq, Pakistan iyo Afghanistan. Bishii June ee sannadkan ayaana lix ruux oo arrimahan loo qabtay lagu riday xukun ciqaabeed ah xabsi muddadiisu u dhaxayso saddex bilood illaa 8 sano.

In kasta oo dagaalladii ugu dambeeyey ee Soomaaliya ay ciidamada AMISOM iyo kuwa Dawladda Federaalka Soomaaliya si weyn uga gacan sarreeyeen xoogagga Al-Shabaab haddana weli waxaa cad in ururkan xidhiidhka la leh Alqaacida uu gacanta ku hayo dhul ballaadhan oo Soomaaliya ka mid ah oo u badan deegaannada miyiga.

Waxaa muddooyinkii u dambeeyey aad u soo badanaysa tirada dhalinyarada Soomaalida ah ee dalalka Yurub iyo Maraykan oo ay jinsiyado ka haystaan uga imanaya in ay ka dhinac dagaalamaan ururka Alshabaab, waxaana ugu badan dalka Maraykanka oo dhalinyaro badan oo ka timid ay ku dhinteen dagaalladan.

Comments are closed.