Maxkamadda Rafcaanka Oo Haddana Xayirtay Hubaal

0
481

Picture6Hargeysa(Geeska)-Maxkamadda rafcaanka ee gobalka Maroodi-jeex ayaa shalay xayiraad saartay wargeyska madaxabanaan ee Hubaal,  maalin ka dib markii ay maxkamadda gobalka Hargeysa xayiraadii ka qaaday wargeyskaas oo shalay soo baxay sanad iyo dhawr bilood oo uu xayirnaa ka dib.

Guddoomiyaha maxkamadda rafcaanka ee gobalka Maroodijeex Md. Cabdirashiid Maxamed Duraan, ayaa amarka xayiraadda ah ee uu soo saaray wuxuu ku sheegay inuu tixraacay rafcaan ay xeer ilaalinta gobalka Maroodi jeex ka qaadatay xayiraad ka qaadista wargeyska Hubaal ee maxkamadda Hargeysa.

Amarka xayiraad saarista ee uu garsoore Duraan soo saaray ayaa u qornaa sidan, “Maxkamadda rafcaanka gobalka Maroodijeex, iyadoo tixraacaysa qoraalka asbaabta rafcaanka xafiiska xeer ilaalinta gobalka Maroodijeex ee ku suntan XIG/H/854/2014 ee bisha 1/12/2015 ee uu xafiiska xeer ilaalintu kaga soo rafcaan qaatay qaraarka oodista iyo xayiraad ka qaadista maxkamadda gobalka Hargeysa samaysay ee sumadiisu tahay MGH/DDL/1282/2013 ee bisha 1/11/2015.

Haddaba iyadoo ay hore u saarnayd amar xayiraad ah oo ay hore  u saartay maxkamadda rafcaanku wargeyska Hubaal islamarkaana aanu jirin wax amar ah oo maxkamadda sare kaga qaaday xayiraadaas ilaa haddana uu dhaqan gal yahay. Sidaas darted waxa la farayaa taliyaha qaybta booliska galbeedka Hargeysa inuu xayiranyahay wargeyska Hubaal, sidoo kale waxa la farayaa dhammaan madbacadaha daabaca wargeysyada inaanay daabici Karin ilaa amar dambe.”

Talaabadan ayaa waxa aad ula yaabay guud ahaan saxaafadda iyo madaxda wargeyska Hubaal oo ku tilmaamay mid sharci darro ah, waxaanu go’aankan maxkamadu ku soo beegmay maalin ka dib iyadoo ay maxkamadda gobalka Hargeysa xayiraadii ka qaaday wargeyska.