Madaxweyne-xigeenka Oo Go’aamo Ka Soo Saaray Murankii Jaamacada Hargeysa

0
579

Picture5Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa warqad uu todobaadkan soo saaray waxa uu ku sheegay inuu aqbalay warqad is-casilaad ah oo ay u soo gudbiyeen Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Cabdi Xuseen Gaas iyo ku Xigeenkiisii Prof. Cabdisalaan Yaasiin. Waxa uu sidoo kale Madaxweyne xigeenku ugu baaqay Gudoomiyaha Jaamacada iyo Guddoomiye ku xigeenka inay xilka sii hayaan inta hoggaanka Jaamacadda cid kale lagu bedelayo. Warqadda ka soo baxday Madaxweyne xigeenka waxa kale oo lagu sheegay in Muddo afar bilood ah shaqada laga joojiyay labada macalin  ee kala ah Hormuudada Kulliyadaha Sayniska & Xisaabaadka Prof. Axmed Maxamed Cadaad iyo Hormuudka Kulliyada Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Prof. Keyse Cali Geedi, kuwaasi oo la farray inay muddadaas ka dib ka war sugaan Xafiiska Madaxweyne xigeenka.

Qoraalkan ayuu Madaxweyne kuxigeenku sheegay in Madaxweynaha Somaliland u igmaday xallinta khilaafadka joogtada ah ee Hogaanka Jaamacadda, sidaasi darteedna uu go’aamadan u soo saaray.

Gudoomiyaha Jaamacadda Mudane Gaas iyo labada Macalin ee Prof Caddaad iyo Prof Keyse ayuu khilaaf u dhexeeyay in muddo ah kaasi oo salka ku hayay Khilaaf maamul oo kala dhex galay sababayna in Shaqada laga joojiyay Macalimiinta balse uu go’aankaasi hirgeli waayay.

Warqadda Madaxweyne xigeenka oo lagu socodsiiyay Guddida Jaamacadda Hargeysa, lana Ogaysiiyay Wasiirka Waxbarashada iyo Xubnahan ay khusayso waxa uu Madaxweyne xigeenku ku sheegay inay talaabooyinkani taageerayaan jiritaanka Jaamacadda iyo in hawsheedu si habsami ah u socoto.