Hay’adaha Ammaanka Oo Xidhay Boqor Raabi

1
2082

 

Picture4Hargeysa(Geeska)-Hay’adaha ammaanka Somaliland ayaa shalay xabsiga u taxaabay Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi; oo ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland.

Ma jiro war laga soo saaray xadhiga boqorka, laakiin waxa la sheegay in loo haysto safar uu dhawaan ku tagay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, waxaana laga qabtay xafiiska agaasimaha guud ee wasaaradda duulista iyo hawada oo uu markaas la qabtay joogay.

Hay’adaha ammaanka oo aanu isku daynay inaanu xadhiga boqorka wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin. Waxase la sheegay in la filayo in boqorka sida ugu dhaqsaha badan maxkamad loo horkeeno.

Comments are closed.