Maxkamadda Hargeysa Oo Xukuno Ku Riday 18 Nin Oo Sifo Sharci Darro Ah Ajaanib Ku Soo Geliya Somaliland

0
541

Hargeysa(Geeska)-Maxkamadda degmada Hargeysa ayaa xukuno ah lix bilood oo xadhig ah iyo hal milyan oo lacagta Somaliland ah oo ganaax ah ku riday 18 dambiile oo lagu helay dambi ah inay sharci darro ku soo gelinayeen Jamhuuriyadda Somaliland, dad ajaanib ah, waxaana lagu eedeeyay inay ku gafeen xeerka socdaalka Somaliland.

1

Guddoomiyaha maxkamadda degmada Hargeysa Garsoore Cabdirashiid Beergeel, ayaa 17 ka mid ah raggan oo iska leh basaska NOAH loo yaqaano, wuxuu ku xukumay lix bilood oo xadhig ah iyo ganaaxaas ah halka milyan ee Somaliland, halka uu mid ka mid ah raggan oo ah Khadar Maxamed Cilmi xukunka uga dhigay laban-laab, ka dib markii mar hore ay maxkamadu isla arrintan oo kale xukun ugu riday.

18-ka nin ee ay maxkamadu xukunada ku riday ayaa kala ah

1. Mukhtaar Maxamed Ibraahim 32 jir

2. Maxamed Xasan Maxamuud, 32 jir

3. Fuaad Abiib Cabdi 34 jir

4. Daad Ibraahim Aadan 30 jir

5. Xuseen Aw Jaamac Diiriye 35 jir

6. Mubaarik Jaamac 32 jir

7. Nuur Cilmi Diiriye 42 jir

8. Cabdiqani Nuur Cilmi 20 jir

9. Khadar Maxamed Cilmi 31 jir

10. Siciid Maxamed 25 jir (Maqane)

11. Nuur Ismaacil Jibriil, 49 jir (Maqane)

12. Yuusuf Muuse Ibraahim 24 jir (Maqane)

13. Cabdi Saleban Cali 30 jir (Maqane)

14. Cabdi Maxamed Kaahin 27 jir (Maqane)

15. Cabdirisaaq Aadan Cawad 28 jir (Maqane)

16. Barkhad Maxamed Cabdi 30 jir (Maqane)

17. Cabdi Caydiid Cumar (Maqane)

18. Mahdi Cabdi Madar, (Maqane)