KULMIYE Oo Cambaareeyay Dilka Shalay Loo Gaystay Taliyihii Booliska Gobalka Saaxil

0
583

Hargeysa(Geeska)-xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf ayaa cambaareeyay dilkii shalay loo gaystay taliyihii booliska gobalka Saaxil, waxaana warsaxaafadeed uu soo saaray uu ku yidhi sidan “Xisbiga KULMIYE waxa uu si adag u cambaaraynayaa falka xaq-darrada ah ee lagu dilay Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Saaxil Alle ha u naxariistee Marxuum Gaanshale Cabdirisaaq Yusuf Maxamuud Casayr oo koox hubaysani ku toogatay deegaanka deegaanka Biyooley ee Gobolka Saaxil (01/03/2016) waqti isaga iyo ciidammo uu hoggaaminayey shaqo qaran u socdeen.

1

Falkani waxa uu waxyeelo ku yahay nabadgalyada, dawladnimada iyo kala dambaynta sharciga ee dalka Somaliland. Sidaas darteed, waxa uu xisbiga KULMIYE ku talinayaa in gurmad degdeg ah laga galo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan-ku-dhiiglayaasha ka dambeeyey weerarkan foosha xun, si sharciga loo horkeeno ciddii gaysatay.

Ugu dambayntii, anigoo ku hadlaya afka Guddoomiyaha iyo hoggaanka KULMIYE iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ciidanka booliska iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cabdirisaaq Yusuf Maxamuud Casayr oo ay dishay gacan-ka-xaqdarani, waxaanan Ilaahay uga baryayaa inuu ka waraabiyo jannadiisa Fardowsa, qoyska iyo guud ahaan shacabkana samir iyo iimaan innaga siiyo.”