Maxkamadda gobalka Hargeysa Oo Ganacsade Al-Jaabiri U Jartay Warqad Yeedhmo Ah Iyo Dacwadda Loo Haysto

0
497

Hargeysa(Geeska)-Maxkamadda gobalka Hargeysa ayaa qoraal baafin ah shalay u dirtay ganacsadaha Sucuudiyaanka ah ee Saleebaan Al-Jaabiri oo ah ninka iska leh maxjarka ugu weyn ee ku yaala magaalada Berbera, kaas oo ay dacwadi u taalo maxkamadda gobalka Hargeysa. Ganacsade Al-Jaabiri waa ganacsadaha ugu weyn ee dalka Sucuudiga geeya xoolaha nool ee dibadda uga yimaada, waxa aanu heshiis uu ku dhisay maxjarka Bebera la galay dawladdii madaxweyne Rayaale.

Qoraal uu shalay soo saaray garsoore ka tirsan maxkamadda gobalka Hargeysa Dr. Yaxye Cali Idiris, oo Geeska Afrika la soo gaadhsiiyay, ayaa wuxuu garsooruhu ku sheegay inay maxkamadu doonayso inuu Saleban Al-Jaabiri maxkamadda ku horyimaado 53 maalmood oo ka bilaabmaya marka warbaahinta laga baahiyo baafintiisa, haddii kalena laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan oo la xidhiidha dacwadiisa oo garsooruhu aanu sheegin nooca ay tahay. Warqadaas baafinta ah ayaa u qornayd sidan: “Maxkamadda gobalka Hargeysa waxay baafinaysaa dacweysanaha magaciisu yahay Suleymaan Siciid Binu Cabdoo AlJabiri kaas oo ay dacwad madani ahi u taalo maxkamadda gobalka Hargeysa, inuu maxkamadda horteeda ku yimaado muddo dhan (53) cisho gudahood oo ka bilaabmaysa maalinta laga baahiyo idaacadda laguna qoro wargeysyada madaxabanaan ee dalka iyo idaacadda Radio Hargeysa.

Sidaas darteed, waxa lagu amrayaa dacweysanahaas inuu ku horyimaado maxkamadda gobalka Hargeysa mudadaasi sare ku xusan, haddii kale maxkamadu waxay ka qaadi doontaa talaabo sharciga waafaqsan oo la xidhiidha dacwadiisa, waxay maxkamadu u cuskatay baafintan qodobada 100,101,107,121 XHK.”

Geesta kale, Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika, u sheegay inuu ganacsadahan Carbeed dacweeyay muwaadin reer Somaliland ah oo ay heshiis ku saabsan dhoofinta xoolaha nool ku wada jireen. Wasaaradaha cadaaladda iyo daakhiliga ee Sucuudiga ayaa Al-jaabiri iyo muwaadinka reer Somaliland u kala qoray sharciyo cadaynaya heshiiskooda balse waxa heshiiska markii dambe dafiray Saleban Al-Jaabiri.

Dacwadan ayaa la filayaa inay indhaha shacabka Somaliland soo jiidato, waxaanay ku soo beegantay xilli uu bilaabmayo dhoofka ugu badan xoolaha Somaliland ee dalka Sucuudiga la geeyo. Xoolaha ugu badan ee Somaliland geyso sayladaha Sucuudiga waxaa muddooyinkii dambe oo dhan laga dhoofinayey maxjarka Berbera ee uu masuulka ka yahay Sheekh Aljaabiri.