Ururka NASIYE Oo La Filayo Inuu Maanta Qaadaco Ka Qayb Galka Doorashada Deegaanka

2
629

 

Hargeysa(Geeska)-Urur siyaasadeedka NASIYE ayaa la filayaa inuu maanta ku dhawaaqo inuu qaadacay ka qayb galka doorashada goleyaasha deegaanada.

Ururkan ayaa ay warar xogogaali sheegeen inay xalay go’aan ku gaadheen inay doorashada qaadacaan, lamana garanayo sababta, waxase la sheegayaa inay la xidhiidho eeddo ay u jeedinayaan xisbiga KULMIYE oo ay ku eedaynayaan inuu hantidii umadda ku ololaynayo. Si kastaba ha ahaate ururka ayaa la filayaa inay maanta qabtaan shir saxaafadeed ay ku cadaynayaan arrintan, waxaana doorashada hore u qaadacay xisbiga UDUB.

Comments are closed.