Maxkamada Sare Oo Bilowday Dhagaysiga Dacwadii Urur Siyaasadeedyada

0
659

maxkmadaHargaysa( Geeska )- Maxakamadda sare ee Somaliland ayaa   si rasmi ah u  bilawday dhageysiga dacwad ay u soo gudbiyeen qaarka  ka mida ururadadii ay gudida diiwaan-galintu ku reebeen qiimayntii ururada siyaasadda  ay sameeyeen bishii April ee sannadkan.

Dacwadan oo uu guddoominayey guddoomiyaha maxakamadda sare Yuusuf Ismaaciil Cali,  waxa ay maxakamaddu si toosa u bilawday dhagaysiga dacwadda ururka UDHIS oo ka mid ahaa Sagaalkii urur ee ay gudidu ku dhawaaqeen inay hadheen.

Dacwaddan ayaa salka ku haysa ururadan oo sheegay in ay qaadacsanyihiin  go’aankii lagu reebay  ee ay soo saareen guddida diwaan-galintu,  taas oo ay ku doodayaan in aanay guddidu xaq u lahayn kala reebista ururada. Urur-siyaasadeedka UDHIS oo dacwadiisa shalay la dhagaystay waxa goob joog ka ahaa dhayagsiga dacwadaas guddoomiyaha ururkaas Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhagaweyne)  iyo xubno kale oo ka tirsan ururka oo uu ku jiray Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Dacwaddan oo socotay muddo Laba saacadood ku dhaw  waxa ay garqayaaanada u dooday ururka UDHIS iyo kuwa difaacayay guddida diwaangellinta oo ka socday xafiiska garyaqaanka guud  dawladu labada dhinacba soo bandhigeen  caddaymo ay ku doodayaan in ay saldhig u yihiin dacwaddoodu, waxaanay garsoorka maxkamadda sare isu dhagaysanayeen doodda labada dhinac.

Guddoomiyaha maxakamadda sare ayaa sheegay in ay maxakamadda sare go’aan ka soo saari  doonto dacwaddan, sidoo kale waxa u sheegay guddoomiyuhu in iyagana la dhagaysan doono dacwaddaha kale ee ururada kale oo ugu soo horayn doonaan Horyaal iyo Jamhuuriga.