Dufcadii 25aad Ee Boolis Ah Oo Shalay Qalin Jebisay Iyo Weedhihii Madaxda Ka Hadashay

0
823

askarMandheera( Geeska )- Dufcadii 25aad ee Boolis ah oo ka qalinjabisa dugsiga tababarka ee Mandheera ayaa si rasmiya loogu soo xidhay tababar u socday muddo afar bilood ah.

Dufcadan tababarka loo soo xidhaayay ayaa ka koobnayd 365 dhalinyaro ah oo laga soo xulay guud ahaan gobalada dalka, isla markaasna dawladu ay u qaybisay hubkii ay ku hawl galilahaayeen oo ay kaga duwan yahiin inta badan booliska Somaliland.

Waxaanay dafcadan oo ay dawladu si toos ah u soo xulatay uu wasiirka arimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale ( Duur ) uu shaaciyay in yahiin kuwo aqoon leh, oo kala sita aqoon  jaamacadeed, mid dugsi sare iyo dugsi dhaxeba, waxaanu si niyad samaan ah u  sheegay inay wax badan ku soo kordhin doonaan ciidamada booliska iyo amaanka dalkaba.

Xaflad dugsiga Mandheera loogu qabtay qalinjabinta dufcadan 25 aad ee ku soo biiraysa ciidamada booliska waxa ka qaybgalay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylaci, wasiirada Arimaha gudaha, Maaliyada, Cadaalada, Hawlaha guud iyo guryaynta, madaxtooyada, waxa kale oo ka qabgalay taliyaha ciidamada Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan, taliyaha ciidamada asluubta, masuuliyiin xisbiga kulmiye ah oo uu hogaaminayay Maxamed Kaahin Axmed iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada.

Haddaba furitaanka munaasiba ciidankan loogu soo xidhayey tababarka ayaa ugu horayntiiba waxa ka hadlay taliyaha dugsiga tababarka Mandheera Cabdilaahi Budul,  waxaanu sheegay in dufcadani ay tahay tii shan iyo labaatanaad ee ka soo baxda dugsiga tababarada ciidamada ee Mandheera.

Waxa kale oo ka hadlay taliyaha ciidamada Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan oo isaguna ka hadlay munaasibadan loo qabtay dufcadii 25-aad ee ka qalin jabisa dugsiga tababarada ciidamada ee Mandheera, waxaanu sheegay in tababarkani uu ciidamada u socday muddo afar bilood ah, isla markaana ay dawladu gacanta ka galisay hubkii ay u baahnaayeen waxaana hadaladisii ka mid ahaa “Mudadii ay tababarada ku jireen ciidankan maanta ( Shalay ) soo baxayaa waxay qaateen duruuso kala duwan oo isugu jira  shuruucda kala duwan ee dalka sida dastuurka qaranka, xeerka ciqaabta guud, xeerka habka ciqaabta, xeerka wado marida iyo dhamaanba xeerarka kale ee muhiimka u ah shaqada ay qaranka u qabanayaan,ciidanka booliskuna waxay ka qayb qaataan dhamaan hawlaha qaranka oo ay ugu muhiimsan tahay dhinaca amniga iyo sidii ay u soo xarayn lahaayeen dakhliga dawlada.”?

Wasiirka maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay in ciidamadda boolisku  ay kala qayb qaataan sidii ay u soo xarayn lahaayeen dakhliga dawlada, isla markaan waxa uu soo jeediyey in ciidamadan soo baxay qaar kamid ah loogu soo qoro wasaarada maaliyada si ay ugala qaybqataan hawsha ay qaranka u  hayso wasaarada maaliyadu waxaanu yidhi “Ciidamada Booliska wada shaqayn aad u culus ayaa naga dhaxaysa,wasaarada maaliyaduna ciidanka booliska la’aantii lacag ma ururin karto, dakhliga dalkana ma keeni karto, marka laga yimaado wasaarada arimaha gudaha baahida ugu badan booliska waxa u qabta wasaarada maaliyada, jananka ciidankana waxaan ka codsanayaa in ciidankan ka soo baxay dugsigan Mandheera in badan oo ka mida lagu soo wareejiyo wasaarada maaliyada si ay door weyn uga qaataan kobcinta dhaqaalaha dalka iyo kor u qaadistiisaba.”?

Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur oo ka hadlay xafladaas gabogabdii ayaa hanbalyeeyay dhalinyaradii qalinjibinaysay, waxaanu ku celceliyay inuu ku faraxsanyahay dhalinyaradan ku soo biiraysa cududa ciidanka booliska oo ku tilmaamay inay ahayd riyo si rasmiya u rumooday maanta, waxaana hadaladiisii kamid ahaa“ Wax sahlan may ahayn in dhalinyaro 365 ah oo aqoon leh marka dhaqaalaheena iyo duruufteena la eego in lagu soo biiriyo ciidanka booliska, riyo ayay nagu ahayd shalay, illaahii rumeeyay ayaa mahadeeda leh.” Wasiir Duur hadalkiisa waa uu siiwatay “Ciidaankan waxay qaateen aqoontii aasaasiga aahayd ee askarinimo, waxaanan is leenahay ciidanka boolisku waxay u baahan yahiin aqoon iyo dhalinyaronimo iyo dhiig cusub oo dardargaliya oo si fiican u dhaqaajiya hawsha balaadhan ee ay ciidankan qaranka u hayaan.”

Wasiir Duur waxa uu sheegay inay kooxdan dhalinyarada ah ee booliska ah ay aqoontoos ciidannimo u siiwadi doonaan, waxaanu sheegay inay dafcadan ku xigi doonto dafcad kale oo haween ah oo ku dhaw 150 “Waxaan goosanay in 365-taasu ay noqdaan dafcadii koowaad, waxaa kale oo noo qorshaysan dafcad iyaguna haween ah, oo ugu yaraan aan ugu talogalnay 150 inay noqdaan aan ku wadno,oo badali doonta dafcadan, ciidamada tababarkan ay qaateen waa tababarkii koowaad ee askarinimo, insha allaah hadii alle fududeeyo waxa noo fuli doona tababarkale oo ah mid xirfadeed oo ah xirfadaha kala duwan ee booliska ah, oo insha allaah aan u diyaarin doono, siday u noqon lahaayeen saraakiishii bari hogaamin lahayd ciidanka booliska.”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici, oo isagu ciidankan si rasmiya ugu soo xidhay tababarka ayaa si diiran u hanbalyeeyay ciidankan, waxaanu Ku xigeenku ka hadlay oo kale waxyaabaha ay ka rajaynayaan ciidamadan booliska ah ee cusub iyo baahida looqaboba“ Farxadbay dhamaanteenba maanta inoo tahay inaan ka qaybgalno soo xidhitaanka dafcadan aadka u qiimaha badan ee booliska Somaliland ku soo kordhaysa iyada oo da’yar, waxaanan rajaynayaa inay  wax badan ka badali doonto amniga dalka.” “ Ciidankan da’da yar waxa uu firdircooni galinayaa amnigii dalka iyo ciidankii boolkiska, iyada oo awalba ay jirtay shaqada boolisku, lakiin anagu markaanu nahay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ay ku soo ururto baahida dalku, dalka gees ka gees waxa laga soo cawdaa oo awoodeena dhaqaale inoo saamaxi la’dahay waa booliska oo meel walba looga baahan yahay iyo ruugtiisii uu ku shaqayn lahaayeen, waxaanu ku da’daalaynaa maalinwalba in talaabadii la qaadikaro la qaado.”

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu halkaas uga soo jeediyay ciidamadan tababarka loo soo xidhaayay talooyin wax ku ool ah waxaanu ugu danbayntii xafladaas ku gudoonsiiyay sadex kamid ah ciidamada shahaadadii dugsiga.