Shil Gaadhi Oo Sababay Geerida Shan Ruux Iyo Magacyada Qaar Ka Mid Ah Dadka Dhintay Iyo Kuwa Dhaawacmay

0
610

gaadhiuGabiley(Geeska)-Alle haw naxariiste shan qof ayaa ku geeriyooday shil baabuur oo shalay ka dhacay duleedka magaalada Gabiley ee gobalka Gabiley, waxaana dhaawacmay laba ruux, ka dib markii ay isku dhaceen laba baabuur oo uu middi yahay baabuurta jaadka qaada oo ku soo jeeday Hargeysa, halka baabuurka labaad ahaa mid rakaab ah oo  ku sii jeeday magaalada Wajaale, waxaanay  shanta ruux ee geeriyooday iyo labada dhaawacmayba saarnaayeen baabuurkan rakaabka ahaa.

Shilkan baabuur oo ahaa mid aad u naxdin  badan, waxa uu dhacay shalay gelinkii dambe, ka dibmarkii ay isku dhaceen labadaas  baabuur. Dadka shilkaas ku geeriyooday oo qaar ka mid ah la aqoonsaday waxa ka mid ah Marxuum Maxamed Siciid iyo xaaskiisii Marxuumad Saynab Cabdiraxmaan. Waxa kale oo uu maydkoodu xalay yaalay cisbitaalka Galey wiil iyo abtigii  halka ay haweenay labada marxuum midna dhashay midna la dhalatay uu dhaawac soo gaadhay, waxa kale oo uu dhaawac soo gaadhay darawalkii baabuurka oo magaciisa lagu sheegay Abokor Xasan Cabdillaahi, waxaanay dadka deegaanku aqoonsan waayeen marxuumka shanaad ee shilkaas ku geeriyooday.

Shilalka baabuurta gaar ahaan waddooyinka caasimadda Hargeysa uga baxa galbeedka iyo bariga, waxa ka dhaca shilal baabuur oo aad u fool xun, waxaana ku geeriyooda dad badan oo wakhtigaas safaro ku jiray.