Maxkamada Hargeysa Oo Dil Ku Xukuntay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa

35
646

Picture6Hargeysa(Geeska)-Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa dil ku xukuntay Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir, oo ka tirsan golaha deegaanka caasimadda Hargeysa, kaas oo hore u dilay nin ay saaxiibo ahaayeen.

Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir waxa shalay la hor keenay Maxkamadda Gobolka Hargeysa taasoo soo gabagabaysay dhagaysiga Dacwadiisa oo in muddo ah socotay, waxaanay shalay ku dhawaaqday xukun Dil ah, kaasoo ay u cuskatay Xeerka Ciqaabta Guud iyo shareecadda Islaamka.

Mustafe Cismaan Daahir oo ahaa Xildhibaan Golaha Deegaanka ah oo in badan dacwadiisa la dhagaysanayay waxa lagu wadaa in uu jagadiisii buuxiyo xildhibaankii ku xigay oo ka dhur sugayey Xukunkan isla markaana dood badan oo dhinaca sharciga ahi ka hor taagnayd in uu kursigiisa buuxiyo.

 

Comments are closed.