2013: Edna Aden Oo Ka Mid Noqotay 100-ka Qof Ee Ugu Saamaynta Badan Qaarada Afrika

0
714

Picture7Hargeysa(Geeska)-Majalada caalamiga ah ee New African Magazine oo ah majalad caan ka ah qaaraddan Afrika, ayaa maro Edna Aden Ismaaciil ku dartay 100-ka qof ee ugu saamaynta badnaa qaaradda Afrika sannadkan 2013 ee sii galbanaya.

Majaladan oo sannad kasta qiimayn ku samaysa dadka ugu mudan qaaradda Afrika ee horumar ku soo kordhiyay, ayaa sheegtay inay Edna Aden Ismaaciil oo 76 jir ahi ay magaalada Hargeysa ka hirgelisay cisbitaalka hooyada iyo dhallaanka oo ah kii u horeeyay ee noociisa Somaliland laga hirgeliyo. Majaladu waxay sheegtay in Edna Aden oo sannadkii 1997 hawlgab ka noqotay hay’adda WHO oo ay wakiil uga ahayd wadanka Djibouti, ay dhistay cisbitaalka iyo jaamacadda Edna ee ku yaala casimadda, oo door muuqda ka qaatay horumarinta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.  Cisbitaalka Edna Aden ee hooyada iyo dhalaanka waxa kale oo laga hirgeliyay jaamacad lagu barto arrimaha caafimaadka.

Marwo Edna Aden, ayaa ah shakhsiyad dunida magac ku leh, waxaana la xasuustaa heerkii ay siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland gaadhsiisay mudadii ay ahayd wasiirul khaarajiga, iyadoo siyaasadeedii dibadda ku salaysay isku kalsoonaan iyo dhiiranaan, waxaanay dunida u bandhigi jirtay xasuuqyadii foosha xumaa ee ay dawladii Siyaad Barre u gaysatay iyo weliba sidii loo dumiyay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland oo ay duqeeyeen diyaarado laga soo iibiyay cashuurtii reer Somaliland ay bixin jireen. Isku kalsoonaantaasi waxay sababtay in masuuliyiin madaxda dunida ka tirsani ka garaabaan sababta ay reer Somaliland xorriyadooda ula soo noqdeen.

Majaladu waxa kale oo ay khakhsiyaadka sannadkan sii socda ugu saamaynta badnaa ku dartay dad kale oo tiro badan oo ay ka mid yihiin siyaasiyiin qaaradda caan ka ah, gnaacsatao, saxafiyiin iyo dad kale oo tiro badan oo lagu soo ururiyay 100 ruux.