Aqoonyahan Cabdillaahi Baarud Oo Xukuumadda Ka Dalbaday Furdaaminta Riig Lagaga Haysto Sool

1
569

Picture5Hargeysa(Geeska)-Aqoonyahan Cabdilaahi Baaruud Cige, oo ka mid ah aqoonyahanka reer Hargeysa ee qurbaha ka soo laabtay ayaa xukuumadda ugu baaqay in wax laga qabto gaadhi riig ah oo uu sheegay in afduub lagaga haysto deegaanada Ceegaag ee gobalka Sool.

waxa sida oo kale uu sheegay sida riigaas looga qabsaday iyo xal arintaas loo raadinayay oo midho dhal noqon waayay,waxaanu xukuumadda u soo jeediyay in arintaas ayw ax ka qabto intaanay u fakirin sida qaldan.

Cabdilaahi Baaruud waxa uu sidan u sheegay wargeyska Geeska Afrika,waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Muddo afar bilood ah ayay riigaas naga haysteen niman ka soo jeeda beesha Dhulbahante, waxaanay nagaga haystaan meesha la yidhaahdo Ceegaag, marka hore heshiis ayaanu wada galnay oo isaga ayaana ninku sii samaystay sahankii  meesha ceelka looga qodaayo, anagana halkaas iiga qoda ayuunbuu yidhi, halkii aanu ka qodnay ceelkana biyo ayaa laga waayay, waxaanu yidhi riiga ma sii daynaayo ilaa aad biyo heshaan mooyaane, Carabtiina waa uu soo eryay. Markaas waxaanu isku daynay inaan dhexdhexaadino inbadan ayaanu dawlada la hadalnay oo madaxtooyada iyo meel walba waanu marnay, markii danbana waxaanu tagnay Laasacaanood, ninkii ayaa halkaas naloogu yeedhay oo waanu ku gartanay,isala markii uu ogaaday in gartii laga helaayo ayuu gaadhi iska kaxaystay oo uu iska tagay, iyado oo dawladii iyo nciidamadiiba ay joogaan, imika mudo afar bilood ah Ceegaag ayuu ku hyastaa riigii, markaas inaan sidii casrul jaahiliga u fkirno ayuunbaa imika hadhay, waxay iyagu leeyahiin uun aanu anaguna qabsano ama aanu Berbera ka helno ama Sheekhe.”

Waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday Cabdilaahi Baaruud sidan“Xukuumaddana waxaanu ugu baaqaynaa inaan riigayagii helno, haddii sharci daro aanu ku socona cadaalad iyo garsoor ayaa jiree ha hor yimaado, waayo ilaa Laasacaanood ayaanu soconay reerkoodiina waanu hor fadhiisanay,riig gobalka Sool laga lahaana ciidamo ayaa galbiyay,markaas arintaas cadaalad daro ayaan u aragnaa, inaan aarsanona waa ay nagu kalifaysaa.”

 

Comments are closed.