Ohio(Geeska)-Sarkaal ka tirsanaa dawladii Maxamed Siyaad Barre, ayaa lagu eedeeyay inuu masuul ka ahaa jidh dil uu u gaystay dhaqdhaqaayqada xuquuqdaha aadamaha ee Somaliya, sannadihii sideetamaadkii. Waxaana sarkaalkaas lagu magacaabaa Cabdi Aadan Magan.
Xaakin ka tirsan xukaanta dawladda federaalka Maraykanka ayaa go’aamiyay in dacwadaas lagu oogo, ka dib markii uu ku guuldareystay inuu keeno wax cadeymo ah oo ka leexinaya xadgudubyadii xuquuqda aadamaha ee uu gaystay, sida uu ku dooday xaakin y George Smith oo jooga magaalada Columbus.
Abukar Xasan Axmed oo ah garyaqaan iyo u ololeeye xuquuqda aadamaha ah oo degan magaalooyinka London iyo Muqdisho ayaa sanadkii 2010-kii gudbiyey dacwad ka dhan ah Magan oo uu sheegay inuu saddex bilood ku riday xabsi sharci darro ah islamarkaana uu u gaystay jidh dil, waxaanu sheegay inuu gaadhsiiyay dhaawacyo ay ka mid yihiin inuu dhib ka gaadhay kaadi heysta, Mr. Abuukar ayaa sheegay in Magan waqtigaas uu ahaa dembi baadhaha guud ee hay’addii nabad sugidda Somaliya, oo ahayd hay’ad dhibaato badan gaysan jirtay.
Hore ayaa dambi loogu helay Mr. Cali Samatar oo ahaa madaxweyne xigeen iyo wasiirkii gaashaandhiga oo door muhiim ah ka ciyaaray xasuuqii loo gaystay shacabka Somaliland, waxaana muuqata in dadka Somalidu ku baraarugeen inay daba-galaan dadkii dhibaatooyinka u gaystay wakhtigii dawladii Maxamed Siyaad Barre.
Comments are closed.