Dalka Japan Oo Dhaqan Geliyey Sharci Ciqaabeed Xaddidaya Culayska Jidheed Ee Ay Tahay In Aanay Muwaadiniintu Dhaafin

1
740

 

japanTokyo (Geeska)- Dalka Japan ayaa soo saaray xeer dhaqan gal noqday oo dembi ciqaab lagu mutaysan karo ka dhigaya buurnida, isla markaana xaddidaya miisaanka laga ogolaan karo ragga iyo dumarka muwaadiniinta ah. Xeerka xakamaynta buurnida ee uu dalka Japan dhaqan geliyey ayaa noqonaya kii noociisa ugu horreeyey dunida oo dhan, wax yaabaha xiisaha leh ee uu xeerkani dhigayana waxaa ka mid ah: Xukuumadda Japan waxa ay awood u leedahay in ay la socoto miisaanka muwaadiniinta oo ay la xisaabtanto qof kasta oo uu ka gudbo culayskiisu xadka uu sharcigani dhigayo iyo dadka iska dhego mariya sharcigan cusub. Sharcigan cusub ee dalka Japan dejistay waxa uu dhigayaa in dhexda ninku aanay ka weynaan karin 85 Sentimitir, gabadhana 90 Sentimitir. Tallaabooyinka qofka u hoggaansami waaya laga qaadayana waxaa ka mid ah in uu waayo xaqa uu dawladda ugu leeyahay daryeel caafimaad oo bilaa lacag ah.

 

Sharcigan ujeedadiisu waa in hoos loo dhigo kharashka dawladda kaga baxa caafimaadka muwaadiniinta, iyo in la xakameeyo cudurrada macaanka, xanuunnada ku dhaca  wadnaha iyo halbawlayaasha dhiigga, dhiig karka iyo dufanowga dhiigga. Sharcigani waxa uu shirkadaha iyo hay’adaha loo shaqeeyo ku waajibinayaa in ay qiyaasaan miisaanka iyo dhexda dadka ay shaqaalaysiinayaan ee da’doodu u dhaxayso 40 illaa 74 gu’ si aanay u shaqaalayn dad miisaankoodu uu dhaafay xadkii sharcigu dhigayey.

Comments are closed.