Maxkamad Dambi Ku Weyday Madaxweynihii Hore Ee Masar

0
729

Picture3Qaahira(Geeska/W.Wararka)-Maxkamad ku taalla waddanka Masar ayaa waxa ay tuurtay kiis ka dhan ahaa madaxweynihii hore ee dalkaasi, Xusni Mubaarak.

Maxkamadeyntan oo aheyd tii labaad ayaa waxaa uu Mubaarak ku eedaysnaa inuu ka dambeeyay dilkii boqolaal qof oo dibaxbayay oo la dilay intii uu socday kacdoonkii carabta ee 2011-kii.

Kiisas ka dhan ahaa dhowr sarkaal oo sarsare oo dhanka ammaanka ah oo ka tirsanaan jiray maamulkii Mubaarak ayaa iyana waxba kama jiraan laga soo qaaday. Madaxweynahan hore ayaa laba sano ka hor waxaa lagu xukumay xabsi daa'im, hasayeeshee waxaa la amray in farsamo ahaan dib loo maxkamadeeyo. Maxkamadda ayaa sidoo kale waxa ay ka bari yeeshay Mubaarak iyo wiilashiisa eeddo dhanka musuqa ah. Hasayeeshee weli xor ma aha oo waxaa la filayaa inuu xabsiga ugu sii jiro dhowr bilood oo kale eeddo taa ka duwan oo ah ku takrifal dhanka dhaqaalaha. Waxa la arkayay wiilasha uu dhalay Mubaraak iyo qareenadii difaacayay oo hambalyaynaya isla markaana madaxa ka dhunkaday Mubaarak oo gooobta ku sugnaa,  Xaakinka maxkamadda ayaa ka codsaday saxafiyiinta inaanay wax faallo ah ka bixin xukunka maxkamadda ilaa ay soo wada akhriyaan waraaqaha iyo xogta lagu saleeyay xukunkan oo ka kooban 1,430 bog.

Taagerayaasha Mubaarak ayaa ka dhex mashaxaraaday maxkamadda, halka banaankana ay ku dabaaldegayeen wadada, iyagoo ku tilmaamayay madaxweynihii hore "halyey Qaran". Hasayeeyee meel u dhaw ayaa waxaa isugu yimid qaraabada dadkii lagu dilay kacdoonkii 2011-kii, waxaana halkaasi ka jiray naxdin iyo jahawareer. Waxa ay sheegeen in ay tahay in qof un uu mas'uul ka noqdaa dilalkii faraha badnaa ee dhacay. Sidoo kale waxaa dambi lagu waayay Wasiirkii arrimaha gudaha ee xiligii Mubaarak Xabiib Al Caadli iyo lix saraakiisha sare ee amaanka oo iyagana lagu eedaynayay inay ku lug lahaayeen amarka dilka dibad-baxayaashii geeriyooday intii kacdoonku socday.

Xusni Mubaark ayaa imika ahaan waxaa u dhamaatay saddex sano oo xabsii ah oo ay hore ugu xukuntay maxkamaddau taasi oo ahayd dacwad kale oo tan ka duwan.

Hore ayaa mubaarak loogu xukumay xabsi –daa’in sanadkii 2012 laakin qareenadiisa ayaa rafcaan qaatay waxaana dib loo bilaabay dhegaysiga dacwaddaasi.

Dacwad-oogayaasha iyo xeer ilaalinta Masar ayaa fursad u haysta in xukunkan ay racfaan ka qaataan lana hortagaan maxkamadda sare oo ah halka ugu dambaysa ee dacawd lala tagi karo iyada oo xukunka maxkamadda sare uu noqon doono mid aan racfaan laga qaadan Karin oo ka ma dambays ah.

Mubaarak 86 jirah ayaa xabsigiisa ku qaatay cisbitaal ay milatarigu leeyihiin maadaamada xaaladdiisa caafimaad aanay wanaagsanayn.

Picture3