Marwada Koowaad Iyo Wasiiro Ka Qayb Galay Gunaanadka Shirkii Horumarinta Gobalka Gabiley

0
719

Picture2Gabiley(Geeska)- Marwada koowaad ee qaranka Marwo Aamina Sh.maxamed Jirde, Wasiirada Waxbarashada SamsamCabdi Aadan, Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale,Warshadaha AbiiB Diiriye Nuur, Masuuliyiinta heer qaran,gobol iyo degmo ee gabiley iyo marti sharaf kale Ayaa ka qayb-galey xidhitaankii Shirkii horumarinta  Gobolak Gabiley oo 3 maalmood ka socday Magaalada gabiley. Shirkan oo socday 3 maalmood ee u dambeeyey waxaa uu daarnaa in dhallinyarada iyo aqoonyahnku meel uga soo wada jeestaan horumarka gobolka waxaana lasoo saarey qodobo Muhiim ah iyadoo aqoonyahanka gobolka xusey in horumarka gobolka gaadhey 4 sanno ee xukuumada jirtey meel fiican maraayo loona baahan yahey inta dhiman sidii la iskula kaashan lahaa. Marwada koowaad qaranka Aamina Sh.maxamed Jirdey oo kaahadashey gunaanadkii kulankaasi ayaa sheegtay in muhiim tahey sidii bulshada gobolku isku kaashan laheyd waxaaney xustay in Dadka Gabiley xukuumada Somaliland abaalkii ay gashadeen ee ay ku doorteen ka helayaan iyagoo horena uga hellay waxay sheegtay in Gabiley mudadiii lagu jirey ololihii wakhtii doorashada kulmiye ku guuleyastay talada dalka ilaa hada ay u aqoonsan yihiin gobol loolana dhaqmo sidii gobol xukuumada wax qaabad balaadhana ka qabatey lana garabtaagan tahey waxay marwadu dadweynaha gabiley kula dardaaran tahey iney meel uga soo adajeestaan horumarka gobolka sidoo kale dhallinyarada ku bogaadisay shirka muhiima h ee ay soo abaabuleen.

Wasiirada waxbarashada Somaliland Samsam Cabdi Aadan oo munaasiabdaasi kahadashey ayaa xustey inw axqabadka xukuumada madaxweyne siilaanyo ee gobolka gabiley cadyahey islamarkaana xaga waxbarshada kamid yahey gobolada waxqabadka ugu badan wasaaradeedu kaqabatey islamarkaana garabtaagan tahey dadweynaha gabileyna ogyihiin cidii wax uqabaneysa iy kuwii ku guuraayaba. Wasiirka Maaliayda Somalialnd Cabdicasii Maxamed Samaale ayaa si qotod heer uga xogwaramey waxqabadyada alla duwan ee xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Axmed Maxamed Siilaanyo ka hirgalisay gobolka gabiley isagoo tusaal usoo qaatey wadda wajaale ila akalabaydh,xafiisyada wasaaradaha waxbarashada,maaliyada,deegaan iyo kuwada hada scoda sida wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada waxaanu wasiir samaale dhallinyarada u balanqaadey iney xukuumadu soo dhawaynayso go,aamada shirkaasi kasoo baxay.

Wasiirka warashadaha Abiib Diiriye,gudoomiyaha gobolka gabiley Mustafe Cabdi Ciise,  maayirka magaalada shucayb Mohamed muuse,xil.mohamed amiin guddidii soo qaban qabaisey shirka oo dhamaantood madashaasikahadley ayaa xusay muhiimada shirkan wwakhtigana lagaadhey xiligii bulshada gobolak gabily iskaashan laheyd waxaaney umahadnaqeen waxqabadka xukuumada madaxweyne siilanayo iyagoos heegay iney gabiley garabtaagan tahey xukuumada wakhtigan talada dalka haysa waxaan gunaandii shirkaasi lasoo saarey qodobo muhiim ah.