Sideed Dagaal Oo La Filan Karo Sanadka 2015 Iyo Dalalka Looga Baqayo Inay Is Hirdiyaan

0
648

Hargeysa (Geeska)- In kasta oo ay dunidu abidkeedba dhib u joog ahayd, mar kastana colaado lagu hoobta ay jireen, haddana dadka taariikhda sida aadka ah u akhriyaa waxa ay in badan ku doodayaan in ay u muuqato in dunidu ay 2 boqol ee sano ee u dambeeyey sii gelaysay xaalado colaadeed oo ka khasaare badan kuwii ka horreeyey maadaama oo aaladaha la isu adeegsanayaa mar kasta sii casriyoobayaan.

Sannad kastaa ba’ iyo badhaadhe wixii uu leeyahay ayaa taariikhda loo dhaafaa, markaasaa haddana indhaha loo sii taagaa bal sannadka xiga iyo waxa dhici doona. Waxa aana in badan dhacda in marka la gaadho xilliyadan aynu hadda ku jirno ee dabayaaqada sannadka ay dad badani sii saadaaliyaan waxa dhici kara sannadka soo socda. Saadaashaasi laba siyood waa midkood, in ay khuraafaad ku sal leedahay oo laga eegay godadka dayaxa iyo cilmiga xidigiska, iyo saadaal ku timaadda lafa-gur iyo in fiiro dheer lagu eego dhacdooyinka jooga iyo jihada ay u muuqato in xaaladuhu u socdaan, kadibna halkaas laga saadaaliyo sida la filan karo in ay xaaladahaasi ku dambeeyaan iyo midhaha ay dhacdooyinka maantu dhali karaan, qasabna ma’aha in ay mar kasta run noqdaan, ama in ay sannadkaas la cayimay dhacdooyinkani dhacaan, oo waa suurtogal in haddana sannadka dambe dib loogu riixo saadaashaas. Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigta wakaalado wareed oo kala duwan waxa aynu ku eegaynaa saadaal ku timid qaabka dambe ee lafa-gurka ah oo lagu eegayo dagaallada waaweyn ee laga filan karo dunida, sannadka foodda innagu soo haya, waxaana aynu ku soo ururinaynaa siddeed dagaal oo ah kuwan hoos ku cad:

1. Qaza iyo Israa’iil: Marinka Qaza oo ah dhulka Falastiiniyiinta ee ay Israa’iil muddo ka hor u soo celisay xorriyad kala dhantaalan ayaa la filan karaa in sannadka 2015 ka ay mar kale ka qarxaan dagaallo u dhexeeya ciidamada Yuhuudda iyo kooxaha wax-iska-caabbinta Falastiniyiinta ee hubaysan. Qaza waa deegaan ay go’doomintiisa muddo dheer isu kaashanayeen Israa’iil oo dhinaca badda iyo berriga ka xidhay iyo jihada soo hadhay oo ay Masar xidhay, mar kasta waxaa ka jira baahi nololeed, waxaana ku nool boqollaal kun oo qoys oo u baahan gargaar, sidaa awgeed waxaa mar kasta ku badan dhalinyaro u diyaar ah in ay xoog iyo dagaal u adeegsadaan Israa’iil maadaama oo aanay arkayn nolol ay haystaan ama u soo muuqata oo ay nafta ku jeclaan karaan.

Labadii sano ee u dambeeyey Qaza waxaa ay Israa’iil ku qaadday weerarro xoog badan, kii u dambeeyey oo Israa’iil isu arkaysay in diblumaasi ahaan lagaga xoog batay, khasaaraha ka soo gaadhayna ka badnaa kuwii hore oo dhan, ayaan ku dhammaan is-af-garad xooggan, sidaa awgeed dad badan ayaa saadaalinaya xasilooni darrada halkaas imikaba ka jirtaa in ay horseedi doonto in mar kale dagaal ka qarxo oo ay Israa’iil weerarto.

2. Masar iyo Itoobiya: Muddo dheer ayaa uu soo jiitamayaa muranka Masar iyo Itoobiya u dhexeeya ee dhinaca saami-qaybsiga biyaha webiga niil waraabiya oo ka soo bilowda buuraleyda Itoobiya. Heshiis ay Masar Tobannaan sano ka hor la gashay dalalka uu webigani ka soo bilowdo ayaa hadda loo arkaa in uu aanu si caddaalad ah u qaybinayn biyaha, oo sida la og yahay uu saamiga dalalka kale oo dhan isku heleen mid aad uga badan siinayo Masar. Itoobiya oo hadda ah dal cudud weyn leh, kana mid ah tobanka dal ee dunida oo dhan xawaaraha koritaanka dhaqaalahoodu ugu badan yahay uguna weyn yahay, ayaa aaminsan in la gaadhay xilligii ay saami ku filan in uu dhaqaalaheeda ka qayb qaato biyahaa ka heli lahayd, Masar oo isu aragta cudud milateri, kana faa’idaysanaysa booska ay juqraafi ahaan ku taallo oo u sameeyey saaxiibbo badan oo diblumaasi ahaan la safta ayaa iyaduna aaminsan in aan waxba laga beddelin heshiiskii hore. Wada hadallo sannadkan oo dhan u dhexeeyey labadan dal oo la doonayey in xal nabadeed lagu dhammeeyo khilaafkan oo sababta hadda sii xoogeysay ay tahay biyo xidheenka ay Itoobiya doonayso in ay xidho, ayaan illaa hadda laga arkin midho dagaal baajin kara. Dad badan ayaana saadaalinaya in ay suurtogal tahay in Masar ay aakhirka u hoggaansanto rayulcaamka dadeeda oo aad ugu heellan in farogelin milateri arrintan lagu eego, oo ugu yaraan la burburiyo biyo xidheenka, in kasta oo ay u dhowdahay in tallaabadaas haddii ay Masar qaaddo ay u horseedi doonto colaad aanay xaaladda ay hadda ku jirto awgeed ka soo kaban karin milateri ahaan iyo dhaqaale ahaanba, maadaama oo aan la dhayalsan karin awoodda Itoobiya qudheedu leedahay iyo xidhiidhadeeda diblumaasiga ah.

3. Maraykanka iyo Daacish;

Daacish waa urur Islaamiya oo ku dhawaaqay in uu yahay dowlad ah khilaafadii muslimiinta oo dhan midayn lahayd, dadka arrimaha ururrada islaamiga ah u dhuun-daloolaana waxa ay ku tilmaameen in Al-qaacida oo ahayd urur gacan kulul ku hayey dunidu ay nabad doon u muuqanayso marka la barbar dhigo Daacish, waa dhinaca awoodda oo ay leedahay ciidamo lagu qiyaaso illaa ku dhowaad 50 kun, haysatana hub noocyadiisu kala duwan yihiin iyo gantaallo casriya oo ay ka furatay ciidamada Ciraaq ee ay sida faxalnimada ah u hubeeyeen dalalka Maraykanka, Shiinaha iyo Ruushku. Daacish waxa ay kaga duwan tahay ururradii hore ee Islaamiga ahaa, gaar ahaan Al-qaacida in ay leedahay ciidan diyaar u ah in si fool-ka-fool ah ay uga hor yimaaddaan ciidamada ay is hayaan, oo weliba marar badan leh awood ay ku muquuniyaan, waxa ay dhaqaale badan ka heshay shidaalak dalka Suuriya oo ay illaa imika si qarsoodi ah u iibiso, waxaana si joogto ah ugu soo qulqulaya dhalinyaro jihaad doon ah oo ka soo yaacaya dunida reer galbeedka iyo meelo kalaba.

Maraykanku bilowgii waa uu dhayalsaday awoodda Daacish ama ugu yaraan waxa uu ka baqay in uu farogeliyo maadaama oo ay ka dagaalamayeen dalka Ciraaq iyaga oo taageero ka helayey Sunniyiinta oo cabudhin iyo takoor kala kulmay dowladda Shiicadu hoggaamiso. Waxa aanu baraarugay goor Daacish ay isu faruurtay dalalka Suuriya iyo Ciraaq, faro baasna ku hayso dalalka Urdun, Iiraan, Sucuudiga, Kuweyt, Lubnaan iyo Turkiga. Waa markaas marka ay Maraykanka iyo dalal reer galbeed iyo carab isugu jiraa isu bahaysteen inay weerarro cirka ah ku bilaabaan Daacish, laakiin illaa hadda waxba ma’ay ka dhimin awooddii iyo fiditaankii Dowladda Isaalmiga ah. Haddaba dad badan ayaa hadda saadaalinaya in Maraykanku uu sannadka 2015 ka ku qasbanaan doono in uu weerar milateri oo toos ah ku qaado ururkan awooddiisu sida weyn u fidayso, oo ay muuqato in uu yahay khatar ku soo fool leh, dhaq-dhaqaaqa shidaalka ee gobolka. La soco…