“Maxamuud Xaashi iyo Qabyo-tire waxaan ugu baaqayaa inay Xisbiga Waddani ku soo biiraan”.

0
602

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa baaq u diray SiyaasyiintMaxamuud Xaashi iyo Qabyo-tire, waxaanu ugu baaqay inay ku soo biiraan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, oo isagu ka tirsan yahay .

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac),oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Anigu hore ayaan uga mid ahaa Xisbiga Kulmiye, haddana waxaan ka mid ahay Xisbiga Waddani, runtii Xisbiga Kulmiye waxba kama sheegayo, balse waxaan leeyahay Xisbiga Waddani ayaan ku qanacsan nahay, labada masuul ee kala ah Maxamuud Xaashi iyo Qabyo-tire oo labaduba hadlay, kana hadlay xaaladda Xisbiga Kulmiye iyo in aan la ogolayn inay ka dhex tartamaan, ayaa waxaa xuisid mudan in Qabyo-tire uu sheegay in loo diiday in lacagta laga qabto, halka uu Maxamuud Xaashina uu sheegay in aanu ka qayb galayn Shirweynaha, sidaas awgeed Maxamuud Xaashi iyo Qabyo-tire waxaan ugu baaqayaa inay Xisbiga Waddani ku soo biiraan”.

 

Geeska.net/Hargeisa Office