Wasiirka Arrimaha Dibedda Taiwan Oo Sheegay In Somaliland & Dalkiisu Cadaadis Dibedeed Kala Kulmeen Xidhiidhkooda Siyaasadeed

0
512

Hargeysa (Geeska) – Dawladda Somaliland ayaa si rasmiya u furtay Xafiiskeeda dalka Taiwan, kaasi oo ku shaqayn doono Wakiilkeeda dalkaasi.

Munaasibad lagu daah-furay Xafiiska diblumaasiyadeed ee Somaliland ka furatay Magaalada Taipea ee dalka Taiwan ayaa Hab Maqal iyo Muuqaal ah kaga qayb-galay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, sidoo kale waxa joogay isla-markaana hadal ka jeediyey Wasiirka Arrimaha dibedda ee Dalka Taiwan iyo diblumaasiyiin sar-sare oo ka mid ah Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Dalka Taiwan.
Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo Munaasibadd lagu furay Xafiiska Somaliland ka furatay Magaalada Taipea uga qayb-galay hab Maqal iyo Muuqaal ayaa khudbad uu jeediyey ku sheegay inuu Dawladda Taiwan uga Mahad-celinayo inay si qaddarin leh u ogolaatay in Somaliland Xafiiskeeda ka furato halkaasi.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Xafiiska Somaliland ka furatay Taiwan uu wax weyn ka tarayo iskaashiga labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Dalka Taiwan oo ugu horayn halkaa ka hadlay ayaa ka warramay waxyaabaha ay heshiiyeen Somaliland iyo Taiwan, waxaanu yidhi “Xafiis-wakiilkeedka Somaliland ka furatay Taiwan wuxuu baal cusub u furayaa xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.”

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Taiwan wuxuu sheegay inay Somaliland iyo dalkiisu wadaagaan Qiyamka guud isla-markaana ay Taiwan ka caawinayso Somaliland horumarinta Kalluumaysiga, Beeraha, Tiknoolajiyadda, Waxbarashada iyo Arrimo kale.
Wasiirka Arrimaha dibedda ee Taiwan wuxuu sheegay in Xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan uu labadoodaba ku keenay Cadaadisyo dibedeed, laakiin ay u diyaar u yihiin inay danahooda difaacaan “Labadayada dhinac waxaanu la kulanay Cadaadisyo dibedeed, laakiin waxaanu diyaar u nahay inaanu difaacno” ayuu yidhi.
Wakiilka Somaliland ee Taiwan oo hadal ka jeediyey furitaanka Xafiiska Tiapea ayaa u mahad-celiyey Dawladda Taiwan.

Xafiiska Somaliland ka furatay Taiwan ayaa daba socday Xafiis kaasi la mid ah Taiwan ka furatay Somaliland bishii hore 17-keedii.

 

Geeska.net/Hargeisa Office